Amrita Singh Oo Gabadheeda Sara Digniin Kama Dambeys Ah Siisay Iyo Waxa Arinkaan Kalifay!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Sara Ali Khan ayaa lashegay in dhowanahan ay saaxiib kadhigatay wiilka uu dhalay Anil Kapoor ee Harshvardhan Kapoor kaaso aad ugu dhowaanayey gabadhan.

Hadaba dadka iyo saxaafadaba waxay bilaaweyn inwiilkan iyo gabadhan ay dhaleen jilayaal waweyn la isku xanto.

Arinkaas Amrita Singh wey udul qaadan weysay, ilo kudhow Amrita ayaa warkaan saxaafada u gudbiyeen ayagoo dhahen Amrita waxay u digtay oo ay inbadana ka waanisay inee joojiso wiilasha ay banaanka u raaceyso wiilashas ha noqdaan kuwa jiliinka kucusub ama kuwa saaxiibadeda qaaska ahba.

WARAR DHEERAAD AH:

Waayo aye tiri ayaa la yiri ma dooneyso in gabadheeda oo hada fanka soo galeysa been abuurad iyo dacaayad ama xan suuqa loo galiyo taasina waxay dhaawaceysa sharafkeda iyo hormarka fankedaba.

Sido kale saxaafada qaar ayaa idaacadaha ka shegay hadal ku aadan guud ahaan dhalinta cusub ayagoo dhahaya sida tan,” Cinemoyinka waa kuwa isbedela hadba war cusub kasoo yeera.”

“Sababtoo ah dadka waxay aad u xiiseyn wararka xanta ah eek u aadan filimka soo bixi rabo ama soo baxayba qaasatan waxay sii jecelyihiin wararka xanta eek u saabsan xidigaha filimkaas jilaya, hadee sidaa ahaan laheyn Jagga Jasoos Hit weyn ayuu noqon lahaa waayo dadka waxay rabeyn wada shaqeynta cusub ee Katrina iyo Ranbir inee ogaadan ileen waxay ahaayen kuwa aad ukala fogaaday kadib markee xiriirkoda dhamaaday.”

Hadaba Sara waxaa lagu amray in wixii markaan kadambeya ay aad iyo aad isku ilaaliso dhanka kale waxaa lashegay in ay kusoo caan baxeyso filimka uu Directorka ka yahay Abhishek Kapoor ee Kedarnath kaaso u atoore ka yahaya Sushant Singh Rajput.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Gasira says:

    waa hoyo gabadheda sharaf la rabtaaa




Featured Video