Dhalasho Wacan Boqarada Bollywood-ka Kajol Oo Maanta 43-sano Jirsaday

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Boqarada Bollywood-ka  Kajol Devgn  ayaa  maanta u dabaal  dagaysa  sanad guuradeeda 43-aad waxayna dunida kusoo  biirtay  maanta  oo kale 5 August 1974 waana 43 jir.

kajol  sidoo  kale  waxay u dabaal dagaysa  sanad guuradeeda  25-aad  ee  Bollywood-ka ka mid tahay filimkeeda ugu horeeyay  wuxuu  ahaa  Bekhudi oo la daawaday sanadii 1992.

Bekhudi ka dib Kajol waxay noqatay atiriisho guusha u saaxiib iyadoo sameysay filimaan waa weyn  guulo waa weyn gaareen  sida Baazigar,  Dilwale Dulhania Le Jayenge,  Kabhi Khushi Kabhie Gham,  Fanaa,  Pyaar Kiya To Darna Kya Iyo Ishq.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidoo kale  Kajol  sanadii 2011  waxaa  la  gudoonsiiyay Padma Shri  ee ah darajo ahaan bilada ugu sareyso ee la siiyo muwaadinka  Hindiya ee dalkiisa  wax u  qabtay.

Kajol oo hooyo u ah Tanuja waxaa dhaxdaa jilaaga caanka ah ee Ajay Devgn 00 is guursadeen sanadkii 1999 waxaa u joogo wiil iyo gabbar oo lagu magacaabo Nysa Iyo Yug.

Dhinaca  shaqada  Kajol  filimkeeda  xiga waa VIP 2 oo ah  filim  Koonfur  Hindiya  gaar  ahaan  Tamil waxaana la jilaayo  Super Star Dhanush  waxaana la  daawan  doona 11 Augusta oo ku  beegan  Jimcadaan.

Filimside Waxay Leedahay Dhalasho Wacan Boqarada Bollywood-ka Kajol Devgn..

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video