Rasmi: Filimka Jab Harry Met Sejal Iyo Maalintiisa Kowaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK iyo Anushka Sharma filimkooda Jab Harry Met Sejal  ayaa maalinta kowaad sameeyay ganacsi macquul ah oo la aqbali karo.

Sida shabakada Boxoffice India soo daabacday Jab Harry Met Sejal  maalintiisa kowaad wuxuu keenay 15.50 Crore (Trade Figure) qiyaasta xili hore.

Filimkaan xalay fiidkii iyo gelinka dambe ayuu sare u kac sameeyay sidoo kalena 5-ta magaalo ee ugu hormarsan dadka dabaqada sare ku nool ayuu ka ganacsigiisa ugu xoogan ka sameeyay Mumbai, Delhi NCR, Bangalore, Pune iyo Bangalore.

WARAR DHEERAAD AH:

Bandhiga uu sameeyay maalinta kowaad JHMS wuxuu kala mid yahay filimkii Tubelight ee Salman Khan sameeyay balse waxaa la dhowri doonaa maal maha xiga filimkan sida uu ganacsigiisa noqon doono.

JHMS waa filimka ugu ganacsiga hooseeyo ee SRK dhawaanahan sameeyo balse fariintiisa oo xadidneyd looguna tala galay 10-magaalo waxay ka dhigan tahay in bilaabashadiisa aysan xumeyn.

Filimkii Raees asigoo maalinta kowaad tiyaatarada lala saaray Kaabil ayuu hadana 20 Crore keenay halka JHMS kaligiis asigoo ah lacagtaas gaari waayay sababtana waxay tahay Raees inuu ahaa filim bulshada oo dhan loogu tala galay.

Sidaa darteed JHMS waa filim awooda SRK ku gadmay maalinta kowaad laakiin fariintiisa xadidan tahay oo aan loogu tala galay dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan inay daawadaan.

Waxaan sugnaa waa maanta oo sabti ah filimkaan sare u kaca uu sameyn doono madaama sabtiga iyo axada dadka dabaqada sare ee tiyaatarada Multiplex usoo daawasho tagaan si weyn tiyaatarada usoo aadaan.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. ibraahin baafaawi says:

    zxp zakariye goormaa la turjumayaa se mxaa loo turjumi waayey gilimkii mubarakan

  2. Ayaan muuse says:

    Zakarie anigu waxan arkay in filmkan maalintiisa kowad keenay 17 cror waxana ku arkay Bollywood life ee see wax u jiraan

    • Zakarie Abdi says:

      Waa runtaa waxay soo xigteen kooxda filimkaan iska leh lacagaha ay baahiyeen laakiin anaga kooxda cajaladaha qeybiyaan lacagaha ay daabacaan ayaan soo xiganaa kaliya farqigaas ayaa inoo dhaxeeyo walaal.




Featured Video