Day 3 Morning Update: Filimka Jab Harry Met Sejal Sida Uu Maalintiisa Sedexaad Ku Furmay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK iyo Anushka Sharma filimkooda Jab Harry Met Sejal labadiisa maalmood ee ugu horeesay ganacsi gaabis ka muuqdo ayuu sameeyay.

Maantana wuxuu guda galay maalintiisa sedexaad  maantana waa maalin Axad ah oo shaqooyinka laga nasanaayo wuxuuna JHMS ku furmay 35% ilaa 40%.

JHMS waxaa laga rabay maanta inuu si xoogan subaxdii hore ku furmo ma dhicin midaas inkastoo uu wax yar ka bilaabasho wanaagsan yahay Jimcadii iyo Sabtigii sida uu ku furmay.

WARAR DHEERAAD AH:

JHMS wuxuu ku wanaagsan tiyaatarada Multiplex ee dadka dabaqada sare usoo daawasho tagaan kuna yaaliin magaalooyinka waa weyn laakiin wuxuu aad ugu liitaa dhamaan gobolada kale iyo gaar ahaan tiyaatarada Single Screens oo ay usoo daawasho tagaan dadka dabaqada dhexe iyo hoose.

Maanta oo Axad ah waa inuu sare u kac waali ah sameeyo JHMS si ganacsigiisa sedexda maalmood ee ugu horeyso u noqdo mid dhex dhexaad ah.

JHMS rajo weyn ayaa laga qabay inuu 60 Crore ugu yaraan keeni karo sedexda maalmood ee ugu horeyso balse hada waxaa meesha ka baxday in 50 Crore xitaa uu keeni karo isla mudadaas.

JHMS waxaa lagu iibsaday 75 Crore gudaha Hindiya oo kaliya shirkada NHZ waana lacag aad u badan oo ay ku adkaan doonto filimkaan inuu soo celiyo madaama 150 Crore laga rabo si uu u bad baado.

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Abdalla zuhaib says:

    “SRK iyo Anushka Sharma filimkooda Mubarakan labadiisa maalmood ee ugu horeesay ganacsi gaabis ka muuqdo ayuu sameeyay.” sxbow filim cusub Mey keeneen mise wey soo wadaan

  2. sarwad says:

    war yaadhaheen filimside maaan wali
    googooskii (trailer ) kii filim ka (Bhoomi)
    ee sanjey Dutt wali lasoo bandhigin illaa shaly baan sugaynee.
    waa gorma

  3. Yazir says:

    Bollywood ka Sandakan dhulkuu galay

  4. Caano the unique man says:

    Beentaa weeye yaazir weli sanadku ma dhamaan ha la iska sugo




Featured Video