Filimka Aulad Ke Dushman Iyo Sida Uu Flop Ku Noqday

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Aulad Ke Dushman waa mid ka mid aflaanta sida weyn loo daawado xiligaa xitaan inkastoo filimkaan uu soo baxay 24-sano ka hor.

Aulad Ke Dushman waa filim uu amaan wacan ku helay Arman Kohli balse nasiib daro filimkaan wacan wuxuu noqday Flop xiligiisii markii tiyaatarada la saaray inkastoo gadaal uu caan ka noqday TV-yada siweyn kaga hirgalay.

Aulad Ke Dushman waa filim ka hadlaayo waalidka caruurtooda inay si waali ah u jecel yihiin ayagoo xitaa caruurtooda qaladkooda sax ka dhigayaan taasi oo mustaqbalka caruurta siweyn u qaldi karto iyo berito waalidka sida ay kaga shaleynayaan qaladkii ay shalay galeen.

Jilaayaasha Aulad Ke Dushman: Arman Kohli iyo Ayesha Jhulka, Shatrughan Sinha, Raj Babbar, Shakti Kapoor iyo Kader Khan.

Director & Producer: Rajkumar Kohli waa Arman Kohli aabihiis.

Fadlan hoos kaga bogo Aulad Ke Dushman sida Flop ku noqday:

Xiliga la daawaday: 3 December 1993

Tiyaatarada laga daawaday: 120

Lacagaha lagu qarash gareeyay – 1.50 crore

WARAR DHEERAAD AH:

Lacagaha nadiifka ee uu keenay – 2.07 crore

Lacagtaan hadii maanta lagu jaan gooyo – 43.93 crore

Lacagaha guud ee uu keenay canshuurta ka hor – 3.35 crore

Tirada guud ee tikit u goosatay – 4-Milyan iyo 693,000 qof

Lacagaha kooxda cajaladaha qeybiyeen ku iibsadeen – xogtaas ma heli karno

Saami ahaan kooxda cajalaha qeybiyeen lacagaha ay heleen – 80.50 Lakh

Lacagaha Uu Dib Usoo Celiyay Boqoleey Ahaan 53%

Natiijadiisa: Flop

Qiimeynta IMDb Rating: 4.2/10

Filimkan wuxuu Flop ku noqday in saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan qasaaro kala kulmeen madaama la sheegay in Rajkumar Kohli lacago qaali ah ku bixiyay gobol walbo.

F.G: Aulad Ke Dushman xogtiisa Boxoffice-ka waxay keed ahaan ugu jirtaa shabakada Boxoffice India wuxuuna ka mid yahay 21-filim ee Boxoffice India xogtooda saxan ee sanadii 1993 la daawaday welina sanadkaan filimada soo baxeen sixitaan ayaa xogtooda ku socoto.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Abdale A dareewal says:

    Zaki aad Bad u mahdsan tahy sxb saad noogu hagar baxdo marksta waaa Film cajiib ah filmkan

  2. sharp says:

    xogtan xata way khaldantahay 1crror aya lagu qarashgareyay 2crrorna wuu kenay flopna wuu noqday taas banan ahayn wax laqadan karo

    • Zakarie Abdi says:

      Sxb sharaxaada ma fahmin iyo xeerka soo jireenka ahaa filimka lacagta lagu qarash gareeyay natiijadiisa kuma xirno ee lacagta kooxda cajaladah qeybiyaan ku iibsadeen iyo mida ay ka heleen ayaa lagu saleeyaa natiijadiisa, marka xogta wada aqriso.




Featured Video