Friendship Day Special: Xidigaha Bollywoodka Iyo Aflaamtii Ay Saaxiibtinimada Qiimaheda Ku Muujiyen (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Aflaamta Bollywoodka waa kuwa inta badan laga daawado dunida daafaheeda waana aflaam dhiiro galin iyo dareenba leh bvalse kuligood ma ahan ee aflaamta tayesan ee ay sameyaan xidigaha ugu darajada sareya ee shirkadan ka shaqeyaan haba ugu horeyaane sedexda Khan iyo Akshay kumar.

hadaba waxaan idiin heynaa 10 Filim kuwaaso ay muhiim tahay inaa daawato hadii aad dooneyso inaa ogaato micnaha dhabta ah ee saaxiibtinimada.

inkastoo ay jiraan aflaam kale kuwaaso sheekadooda aas-aasi u tahay saaxiibtinimada hadana waxaan soo qaadanay ama aan soo xiganay 10kaan filim ee hoos ku qoron.

 

Sholay:

 

 

hadiiba magaca saaxiibtanimada lasoo qaadayo ama filim saaxiibtanimo laga hadlaayo waxaa qasab ah in number one laga dhigo Filimka weyn ee Sholay.

Sholay waa mid kamid ah aflaamta ugu waaweyn ama Filimka ugu weynba iska dheh ee abid India oodhan sameyaan, maqaamka filimka Sholay uu garay wali filim gaaro waala wayey.

Filimkaan la daawaday sanadkii 1075 waxaa hogaamiyaal ka wada ahaa Dharmendra iyo Amiabh Bachchan waxuu filimkaan natusay in saaxiibka uu nafta kuu huri karo, sheekada filimkaan waxaa lagu qoray buugaagta ay kudhigtaan ardayda India ee dugsiga hoose ah. waa aflaamta kuwacan in la daawado aad iyo aadna ugu haboon

 

Rang De Basanti:

 

waxaa wada jileyn Aamir Khan, R. Madhavan, Sharman Joshi, Kunal Kapoor, Soha Ali Khan iyo waliba Siddharta, waana filim kahadlaayo saaxiibtanimada qiimaheeda xataa ay isla gaaraan heer dhimasho ah.

 

Dil Chahta Hai:

 

 

filimkaan waxaa Director ka ahaa Farhan Akhtar waana filimkiisi koowad ee sanadkii 2001 uu Director ka noqdo waana mid kamid ah aflaamtaugu tayada wanaagsan ee ay Bollywoodka sameyan.

 

3 Idiots:

 

 

mid kamid ah aflaamta ugu qaalisan India, Rajkumar Hiraani sanadkii 2009 India ayuu ka yaabsaday markii uu layimid All Time Blockbuster ka weyn ee 3 Idiots.

inkastoo filimkaan kaliya uusan ka hadleenin saaxibtanimada sido kalena uu kahadlaayo waxbarashada, hadana waa filim dhanka saaxiibtanimad aad looga hadlay waxbadana taabaneysa.

Aamir Khan waligiis waalaga xasuusan doona filimkaan iyo kuwa kaleba kuwaaso caalamka oodhan uu kaga yaabsaday.

 

Zindagi Na Milegi Dobara:

 

 

WARAR DHEERAAD AH:

waa mid kamid ah aflaamta ugu fiican dhanka saaxiibtanimada marka laga hadlaayo aflaamta kusaleysantahay, filimkaan waxaa wada hogaaminayaan, Hritik Roshan, Abhay Deol iyo waliba Farhan Akhtar waana filim kahadlaayo saaxiibtanimada hadii xitaa dhan walbe kaaso xirxiranto ama dhib kuqabsado saaxiibadada sida ay marwalba kuu garab joogan oo aysan marnaba ku cidleenenin.

 

Kuch Kuch Hota Hai:

 

 

Sholay marka laga soo tago Filimsameeyaha caanka ah ee Karan Johar kaaso filimkiisa koowaad ahaa Kuch Kuch Hota Hai wuxuu nagu tusay qiimaha saaxiibtanimada ay leedahay.

Filimkaan waxaa wada jleyn SRK, Kajol iyo waliba Rani Mukherji waxayna xidigahan filimkaan inagu bareen inuu jaceylku yahay saaxiibtanimo oo asal ahaanba uu saaxiibtanimada kasoo bilawdo, waana filim heersare ah.

wuxuuna galay liiska aflaamta ugu fiican ee sida qaaska ah loo calaameyay kuwaaso ay India oodhan abid sameyeen kaaso la daawaday 1998 noqdayna All Time Blockbuster.

 

Jaane Tu Ya Jaane Na:

 

 

Imran Khan filimkii u kusoo caan baxay sido kale atariishada Genelia D’souza. waa filimkii Bollywoodka ahaa ee ay kusoo caan baxdo 2008, waa filim jaceyl iyo saaxiibtinimo isku dhexjirta ah.

 

Kai Po Che:

 

 

mid kamid ah aflaamta ka hadleysa saaxiibtanimada waxaana kusoo caan baxeyn xidigaha kala ah Sushant Singh Rajput iyo Amit Sadh.

 

Queen:

 

 

Filimka Queen waxaa hogaamineyso atariishada Kangana Raut kaliya qaab jiliin cajiib ah filimkaan naguma tuseeso ee sido kale waa filim heybad gaar ah wato, Kangana waxay ku mataleysa gabar 24 jir ah oo guri joogto taaso goaan ku gaareysa inee bisha arooska (todobo bax) la gasho gacaliyaheeda oo wadan kale ku nool.

gabadhan ayaa safar u galesaa dhul aysan aqoonin, dad aysan aqoonin iyo waliba dhaqan aysan aqoonin waxayna la kulmeysaa dad kala duwan, waa filim dhan walbo tusaale ka ah waxa la daawaday sanadkii 2014.

 

Rock On:

 

 

Asaxaab Musics tayaal ah kuwaaso ku guul dareesanaya inee Music kadooda hormar weyn ka gaaran taaso ugu wacan is faham dari weyn oo dhex mareysa kadibna sanado kadib ay ku heshinayaan inee hormar ka gaaran ama ay rumeyaan riyadooda raagtay.

Filimkaan waxa hogaamiyaal ka ah Arjun Rampal. Farhan Akhtar, Purab Kohli iyo kuwa kale waana filim cajiib ah kaaso la daawaday sanadkii 2008 darajadiisana ay noqotay Average ama filim guul dhexdhexaad ah gaaray.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. Ismail Aamir says:

    3idiots iyo kkht
    marna lama ilaawi
    kawo

  2. atoore says:

    dil chahta hai wlhi al aankaaH wa daawada in ka badan 20 jeer ayn daawadaY walina maka xizo dhicn
    film iyo maaaHa
    hadaa inyar ka xuzo hlkan wxan ku jeclaaday ……….
    ……GaaaLo Ayaa dhacdaY hhhhhh….
    …… Zamiir wa ku baryayaa haY odhan wa jeclaaadaY hhhhh…….

  3. C/kaafi says:

    Filmka Aatish!! Sanjay dutt iyo Aditya pancholi?

  4. Mohamed atoore says:

    Aatish ma ahn miyaa filim saaxibtinimada ka hadlaayo waxaa rabtid lee maa iska soo qoreysaa

  5. shucayb says:

    sxb filimside maxaa Ku dhacay muna bhai sanjey dutt iyo arshad warsi meshaan ha leysku dheela socoto

  6. Da perfectionist says:

    Aaaaatiiiish aaway nawab iyo baabaa
    Sxpkaa jiisba ha ahaadee lkn maalin ayaad u baahan doontaa

  7. Da perfectionist says:

    Sxp mida kale webka search u sameeya

  8. sharp says:

    aatish iyo filmka sxbtinimada dhabta ah lagaga hadlayo waa dost akshay kumar iyo bobby doel 2 daa film hadad ka tagten kuwan kale wax ma aha




Featured Video