Jab Harry Met Sejal Waa Mid Siweyn U Dhaawacay Awooda SRK!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Jab Harry Met Sejal Boxoffice-ka inuu ku fashilmay waxaa looga cabir qaadan karaa labada maalmood ee ugu horeesay ganacsiga uu sameeyay balse dhaawaca intaas kuma eko.

Jab Harry Met Sejal wuxuu noqday ama noqon doonaa filimka lacagaha ugu yar keeno sedexda maalmood ee ugu horeyso kaasi oo uu King Khan hogaamiye ka yahay mudo 6-sano kadib.

Xisaabta laguma daraayo filimka Dear Zindagi madaama SRK muuqaal marti ah ku lahaa waxaa laga hadlaa aflaanta waa weyn ee Super Star-kaan hogaamiyaha ka yahay.

Waa hubanti Jab Harry Met Sejal ma keeni doono 50 Crore sedexda maalmood ee ugu horeyso waana fashil weyn oo Bollywood-ka ku habsaday una gaar ah SRK doorashadiisa qaldan.

SRK 100% wuu ku qaldanaa la shaqeynta Imtiaz Ali oo aflaantiisa magaalooyin kooban kaliya ka gadmaan diiradana saaro aflaanta aan dadka caadiga ah soo dhaweyn karin.

SRK filimkiisa wuu guul dareesan karaa laakiin awoodiisa sedexda maalmood ee ugu horeyso ma gaabin karto, balse midaas filimka Jab Harry Met Sejal ayaa Super Star-kaan awooda badan ku sababay!

Fadlan hoos kaga bogo 6-da sano ee ugu dambeesay SRK filimadiisa sedexda maalmood ee ugu horeesay lacagaha ay soo xareeyeen:

WARAR DHEERAAD AH:

1. Happy New Year – 93.16 Crore

2. Chennai Express – 86.28 Crore

3. Dilwale – 63.28 Crore

4. Raees – 59.48 Crore

5. Ra.One – 52.65 Crore

6. Fan – 52.34 Crore

8. Don 2 – 46.39 Crore

7. Jab Harry Met Sejal – 46 Crore (Qiyaas Ahaan Mudo Sedex Maalmood Lacagaha Uu Keeni Doono)

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Mr.Bond says:

    ninkaan awalba waxa waday odaygii dhintay ee Yash Raj oo xariir weyn lalahaa boxofice-ka lkn hada shekadaas wey dhamatay awoodo bollywoodka xitaa waxey noqotay mid hoos u sii dhacda waxana lagu garana filimada waalida ah ee sheeko iyo jilitaan wanagsanba leh eey Talgue ka so baxayo dhab ahanatii waxaan dhihi karaa SRK godkiisa biya ugu so galeen weyna adagtahay 5 sano socoto inu ku si nagaado bollwyoodka lolz

  2. Owlet says:

    Waar kan zakariye la leeyahay wax aan jirin ayuu iska soo qoraa ala beenalayzanaa. Intaa srk ayuu mudici ku yahay waar ama flop ha keeno ama hit ha keeno srk waa boqorka bollywood

  3. khaalid cade says:

    asc bahada filimside waxaad nala wadaagtan macluumadka Hollywood-ka waayo waa shirkad in badan filim jilista khibrad uleh




Featured Video