Mahesh Babu Ayaa Ciyaari Doono Doorka Wasiir Dowle Ee Filimka Bharat Aane Nenu!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

 

Suldaanka Reer Koonfur ayaa markaan doonaya inuu sameyo filim siyaasad sido kalena uu ku matalaayo heer raiisul wasaaraha dalka Inida.

WARAR DHEERAAD AH:

kooxda Super Star kaan ayaa soowada filim siyaasad ah kaaso ay ugu magac dareen Bharath Aane Nenu kaaso uu Director ka yahay Koratala Siva waana filim uu xidigaan si rasmi ah ugu matali doono Wasiir Dowlaha Dalka India (Chief Minister).

kooxda filimkaan ayaa markale filimkooda Director kaga dhigteen Koratala maadama uu horey ugu sameyay Blockbuster kii weyna ee Srimanthudu oo uu isla Mahesh Babu hogaamiyaha ka ahaa.

hadaba filimkaan siyaasada ku saleesan Mahesh wuxuu duubis ku bilaawi doona 10 Aug ee sanadkaan waliba waxaa lashegay jadwalka koowad ee filimkaan duubistiisa waxay soconeysa ilaa 22 Aug ee bishaan sida ilo kudhow kooxdan ay shaacisay.

ayadoo lagu duubi doono goobo kala duwan ee koonfur India kamid ah, dhanka kale Kiara Advani ayaa kumatali doonto Mahesh gabadha uu jecelyahay sido kale Sarath Kumar oo ah xidig reer Tamil ah ayaa asna ku matali doono aabaha Mahesh Babu.

waxaan sugnaaba inta si rasmi ah looga sheegayo guud ahaan jilayaasha filimkaan oo dhamestiran iyo xiliga rasmi ga ah ee la daawan doono.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video