Rasmi: Filimka Jab Harry Met Sejal Iyo Maalintiisa Labaad Lacagaha Uu Keenay 5% Hoos U Dhac Ayuu Sameeyay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK iyo Anushka Sharma filimkooda Jab Harry Met Sejal halkii uu sare u kac sameyn lahaa wuxuu sameeyay hoos u dhac ganacsiga maalintiisa labaad taasina waxay god dheer ku riday rajada laga qabay filimkaan inuu Boxoffice-ka ka gadmo.

Jab Harry Met Sejal maalintiisa labaad 5% hoos u dhac ayuu sameeyay wuxuuna keenay 14.25 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

Jab Harry Met Sejal wey ku adkaan doontaa sedexdiisa maalmood ee ugu horeeyso inuu 50 Crore halka markii hore kalsooni weyn lagu qabay inuu 60 Crore ka badan mudadaas ku keeni karo.

Jab Harry Met Sejal wuxuu noqday filimka lacagaha ugu yar keeno ee SRK hogaamiye ka yahay mudo dheer kadib kaasi oo 50 Crore sedex maalmood ku keeni waayo waana hoos u dhac weyn oo soo wajahday awooda Big Star-kaan oo fariin qalday inuu doorto caado ka dhigtay dhawaanahan!

WARAR DHEERAAD AH:

Fadlan hoos kaga bogo labada maalmood ee ugu horeesay filimka Jab Harry Met Sejal lacagaha uu keenay sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Jimco – 15 Crore (Qiyaas)

Sabti – 14.25 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 28.25 Crore (Trade Figure)

Ganacsiga filimka Jab Harry Met Sejal waa mid aad u liito dhamaan gobolada Hindiya marka laga reebo  Mumbai, Pune, Delhi NCR iyo Bangalore waana u dhamaatay filimkaan lacagaha qaaliga ah shirkada NHZ ku iibsatay.

Xitaa SRK oo Kolkata ku awood badan oo aan loogu galin aflaantiisa midkaan hoos u dhac weyn ayuu ka sameeyay maalintiisa waana arin lala yaabay waxaaa si xawaare ah ku socoto xumaanta filimkan laga fidinaayo!

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. faniska srk says:

    waxanu wuu dhiman yahay srk caqli kuma jiro farin wcan dooro nio

  2. ibraahin baafaawi says:

    zxp sakariye 29.25 crore weeye 28 maaha

  3. apdiazik yassin says:

    Srk adiga isku ciyaraya nio
    Flimadadi hire o kle so same

  4. sharp says:

    kajol uu so ceshto mooye arin kale mahayo odaygan yash isna wuu dhintay adeer wakhtigi wacna wuu ku dhamaday wakhtigi flopka aya bilawday




Featured Video