Rasmi: Goos Gooska Filimka LIE Oo Lasoo Bandhigay Nithin Wiji Cusub Ayuu La Imaaday (+Video)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa si rasmi  loo  soo  bandhigay  goos  gooska  filimka  LIE  uu  hogaamiyaha  ka yahay jilaaga laga wada jacel yahay  shirkada  Telugu  ee  Nithin.

Filimka LIE hori  waxaa  looga  soo  bandhigay  goos  goos  kooban oo xiiso leh haatana waxaa lasoo bandhigay goos gooskiisa  oo  dhameestiran.

Filimka  LIE  waa  filim  xiiso  leh  oo  ku  saabsan  qayaano  Sirdoon iyo  jaceyl isku jiro ah  waana filim Nithin u sameystay  wiji  cusub  oo  aad  looga  wada  helay  filimkaan  Nithin  waxaa  jaceyl  la  wadaagi  doonta  Megha Akash  halka  laadir  uuu ka  yahay  Arjun Sarja.

WARAR DHEERAAD AH:

Nithin filimkiisa LIE si weyn ayaa indhaha loogu heeya maadaama filimkiisa ugu danbeeyay ee A.AA uu guul weyn ka gaaray gudaha Hindiya iyo daafah caalamka.

Filimka  LIE  waxaa  director  ka ah  Hanu Raghavapudi  waxaana  daafaha  caalamka  laga  daawan  doona 11 Augusta ee  jimcadaan  wuxuuna  Boxoffice-ka  kula  dagaalami  doona filimka Nene Raju Nene Mantri ee hogaamiyaha  ka  yihiin Rana Daggubati  Iyo  Kajal Aggarwal.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska dhameestiran ee laga soo bandhigay filimka LIE.

 

 Sidoo kale hoos ka daawo goos gooska kooban ee hori looga soo bandhigay Filimka LIE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video