Super Star Dilip Kumar Xaaladiisa Waa Hagaagsantahay Waana Caafimaad Qabaa!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

 

Veteran Actor Dilip Kumar ayaa maalmahan Hospital ladhigay asigoo xaalada caafimaadkiisa ayasan wanaagsanen, waxaa lashegay in xidigaan neefqabatiin kusoo booday sidaa awgedna loola cararay Hospital kuyaala magaalada Mumbai asigoo markaa dhiigisa la baarayey bal inuu dhiiga kacay marna waxaa lashegay in kali laga qabtay.

si kastee ahaataba hadeer xaalada Mudane Dilip waa mid soo kabaneysa oo sidii hore ka hagaagsan kadib markii dhamaan dadka ku nool dunida daafaheeda ay usoo duceyeen xidigaan magaca weyn kuleh dunidoo dhan.

WARAR DHEERAAD AH:

Hospitalka lagu magacaabo Lilavati ayaa soo shegeen warka ah in xidigaan hadeer caafimaad qabo waa qof hadeer raashiinka cuni kara, kaadidiisa waa ok, neefqabatiinkii waa ok sido kale dhiigii kacay waa dagay hadeer.

Goordhowna waxaa la rajeynaa in Hospitalka laga saaro oo gurigiisa la geeyo maadama uu sidii hore ka fiicanyahay marka laga soo tago ducada dad weynaha caalamka iyo dhaqaatiirta ku dadaasha xidigaan waxaa u dheer in xaaskisa Sara Biandu ay aad iyo aad ugu dadaasho caafimaadkiisa.

 

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video