Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Ugu Weyn Hindiya 25-kii Sano Ee Ugu Dambeesay Hum Aapke Hain Koun..!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Hum Aapke Hain Koun..! waxaa la daawaday 5-tii August 1994 waxaana kasoo wareegatay daawashadiisa 24-sano balse weli waa Hit-ka ugu weyn oo ay Bollywood-ka sameeyeen 25-kii sano ee ugu dambeesay.

Salman Khan iyo Madhuri Dixit ayaa wada sameeyeen Hum Aapke Hain Koun..! oo ah filim Classic ah ilaa haatana iskoorkiisa Boxoffice-ka dhanka lacagaha hadii sicirka maanta lagu jaan gooyo la jebin weesan yahay.

Fadlan hoos kaga bogo Hum Aapke Hain Koun..! xaqiiqooyin u gaar ah:

Xaqiiqada 1-aad: Filimkaan marka kowaad waxaa la saaray 35-tiyaatar laakiin jaceylka loo qaaday iyo dalabaadka daawadayaasha filimkaan oo cirka isku shareeray waxay keentay in tiyaataro cusub Hindiya goboladeeda oo dhan laga dhiso mudadii uu tiyaatarada saarnaa in ka badan 12-bilood ayuu masraxa saarna sidoo kalena tikit-kiisa sare ayaa loo qaadayay todobaad walbo todobaadka ka dambeeyay!

Xaqiiqada 2-aad: Waa filimkii ugu horeeyay ee Hindi ah kaasi oo Boxoffice-ka ama tiyaatarka kowaad fagta kowaad 100 Crore soo xareeyo canshuurta ka hor!

Xaqiiqada 3-aad: Aamir Khan ayaa filimkaan iska diiday madaama uusan ka helay qaabka sheekada loogu aqriyay, waxaana si dhaqsi ah sameyntiisa ku aqbalay Salman Khan oo xiligaas waqti xun dhexda kaga jiray kuans oo ceshtay awoodiisii sii lumeesay.

Xaqiiqada 4-aad: HAHK waa filimka Bollywood-ka maskaxda ka badalay madaama awal inta badan Action iyo dagaal kaliya ay sameyn jireen aflaanta jaceylka iyo arimaha qoyska ku yaraayeen.

Xaqiiqada 5-aad: Lata Mangeshkar filimkaan 10-hees ayay ka qaaday sidoo kalena shacab weynaha cadaadis ay kala kulantay ayay ku gudoontay bilad qaas ah oo ay shirkada Filmfare Awards ku siisay heesteeda “Didi Tera Devar Deewana” waayo Lata bilawgii 70-maadkii ayay ku dhawaaqday inaysan mardambe bilad qaadan doonin si fanaaniinta kale fursad u siiso.

Xaqiiqada 6-aad: Filimkaan sheeko ahaan waxaa laga soo qaatay filimkii ‘Nadiya Ke Paar’ ee sanadii 1982 sameeyeen qoyska filimkaan filimkaan iska lahaayeen iyo shirkadooda Rajshiri.

Xaqiiqada 7-aad: Rajesh Khanna ayaa loo bandhigay doorka Alok Nath filimkaan ku leeyahay balse wuu ku gacan seeray asigoo xiligaas rabin inuu fanka kasoo muuqdo.

Xaqiiqada 8-ad: HAHK waa filimkii ugu horeeyay ee suuqyada caalamka ka keeno $1m ama bilaabay darajada $1 million Club in Bollywood Overseas Business.

Xaqiiqada 9-aad: Filimkaan waxaa lagu daawaday Af Telugu asigoo wato magaca Premaalayam wuxuuna halkaas ka noqday ama Koonfur Hindiya ka noqday Blockbuster weyn.

Xaqiiqada 10-aad: HAHK lacagta 72.46 Crore uu keenay sanadii 1994 waxay maanta u dhigantaa 685.03 Crore waana Blockbuster-ka ugu weyn ee Hindiya sameeyaan 25-kii sano ee ugu dambeesay.

Xaqiiqada 11-aad: HAHK waxaa tikit u goosatay 73-milyan iyo 962,000 oo qof waana filimka loogu daawasho badan yahay oo ay Bollywood-ka sameeyaan 25-kii sano ee ugu dambeesay.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga,

Filimada Aan Horey Xaqiiqooyinkooda Kaga Soo Hadalnay Fadlan Hoos Kaga Bogo:

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Krishna Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Hungama Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Mujhse Shaadi Karogi Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Sigham Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Qayamat Fadlan RIIX HALKAAN

WARAR DHEERAAD AH:

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Dulhe Raja Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Garv Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Kal Ho Naa Ho Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Bol Bachchan Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Daraad Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Humraaz Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Krrish Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Lakshya Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Awara Paagal Deewana Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Ghulam Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Hum Dil De Chuke Sanam Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Aatish Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Lagaan Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Gadar Ek Prem Katha Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Border Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Pyaar To Hona Hi Tha Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Kaho Naa… Pyaar Hai Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Main Hoon Na Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Jaani Dushman Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Wanted Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Mann Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Ajnabee Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar ah Filimka No Entry Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Mohabbatein Fadlan RIIX HALKAAN

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. Abdi says:

    685 crore dangalna 2000 crore
    Wll dangal waxa uu kaga qaalisan yahay noo sheeg

    • Zakarie Abdi says:

      Walaal Dangal 2000 Crore waa isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka, laakiin gudaha Hindiya kaliya Dangal wuxuu ka keenay 375 Crore halka filimkaan gudaha Hindiya marka sicirka maanta lagu jaan gooyo 685 Crore uu maraayo marka farqigaas ayaa u dhaxeeyo.

  2. liban garad yare says:

    Salman wuu uqalma recordka

  3. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan says:

    Filmkan iyo fimka Sholay kee baa weyn

    • Zakarie Abdi says:

      Iskuma dhawo Sholay ayaa weyn waayo Sholay in ka badan 100-milyan oo qof ayaa tikit u goosatay kana 73-milyan, weyninka waxay ku xiran tahay sida tikit-ka shacab weynaha ugu goostaan filimka.

  4. cabdirashiid pertaap sing says:

    filimside waxaan website ka ku xidhnaa mudo 2 sano ah waxaan markii ugu horeysay idinka codsanayaa xaqiiqooyin u gaar ah. filimka aan dunida ugu jecelahay qayamat se qayamat tak. waan idin baryaa hayla sugina maalintii uu soo baxay ee usbuuca danbe please.
    وسلام عليكم ورحمة وبر كاة

    • Zakarie Abdi says:

      Walaal qaali codsigaaga sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan kuugu tixgalin doonaa, inkastoo nidaamka uu aha filimka weyn maalinta uu soo baxay marka ay ku beegan tahay inaan xaqiiqooyinkiisa soo bandhigno.

  5. cabdirashiid pertaap sing says:

    waad mahadsantahay wll sakeriye maalinta uu soo baxay ayaa aad u fog hadda xiiso aan u qabo awgii ayaan saas u codsaday.




Featured Video