Aamir Khan Iyo Xaaskiisa Kiran Rao Hargabka Shibmiraha Ayaa Ku Dhacay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mr. Perfectionist Aamir Khan iyo xaaskiisa Kiran Rao waxaa ku dhacay hargabka shimbiraha oo dhawaanahan siweyn gudaha Mumbai ugu baahayo.

Aamir iyo Kiran ayaa kasoo qayb gali waayeen bandhiga Satyamev Jayate Water Cup oo ay soo qaban qaabisa hay’adooda maxaliga ah ee dadka ka caawiyo sida ay biyo nadiif ah ku heli lahaayeen.

WARAR DHEERAAD AH:

Kulankaan Satyamev Jayate Water Cup ka dhacay magaalada Pune nasiib daro Aamir iyo xaaskiisa wey imaan waayeen waxayna kaga qayb qaateen dhanka aalada Skype-ka ayagoo si toos ah Video ahaan qadka usoo galeen dadka raali galiyeen.

Aamir Khan wuxuu yiri “Waxaa inoo farxad badneyd inaan kasoo qayb galno hawshii aan idinla wadnay mudo sanad ah, waan xanuun sanay aniga iyo Kiran, waxaana nagu dhacay xanuunka beryahan meel walbo ku faafayo ee loogu yeero H1Ni ama hargabka shimbiraha”

Kiran ayaaba wajigeeda farxad ka muuqatay waxayna tiri “Waan imaan karnay laakiin dhibka jiro wuxuu yahay in hargabka shimbiraha si dhaqsi ah la isugu daaran karo sidaa darteed waxaa nagula amray inaan hal todobaad guriga joogno anagana aan dadka sii gaarsiin xanuunkaan soona kabano si dhaqsi ah”

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. mr Dangal says:

    ilaahay ha caaiyo




Featured Video