Day 4 Update: Filimka Jab Harry Met Sejal Iyo Isniintiisa Kowaad Sida Uu Ku Furmay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood King Khan filimkiisa diidmada xoogan la kulamayo Jab Harry Met Sejal ayaa guda galay maalintiisa 4-aad ee uu tiyaatarada saaran yahay.

JHMS maanta oo Isniin ah subaxdii hore wuxuuku furmay 15% ilaa 20% dhamaan tiyaatarada Multiplex ee gobolada waa weyn Hindiya ku yaalaan.

WARAR DHEERAAD AH:

JHMS si wanaagsan kuma bilaabanin maanta waana arin la filaayay madaama Axadii oo maalin nasiino ahayd ganacsigiisa hormar weyn sameyn waayay.

JHMS maanta gelinka dambe sare ayuu u kici doonaa madaama maanta ay tahay maalin fasax gelika dambe waana maalinta walaaltinimada ee fiyooraha isku xiraan dadka walaalaha ah ee Hindiga ah.

Sida uu JHMS ku socdo waxay ka dhigan tahay inay ku adkaan doonto sidii uu 100 Crore ku gaari lahaa waana fashil weyn oo ku habsaday SRK awoodiis si qaldan loo adeegsanayo sanadihii ugu dambeeyay.

Shirkada NHZ waxay ku duceesaneysaa inuu yarado qasaaraha ay gudaha Hindiya kala kulmi karaan madaama ay 75 Crore ku iibsadeen waa hubaal in daafaha caalamka shirkadaan macaash xoogan ka heli doonto ayadoo suuqyada caalamka ku iibsaday 45 Crore ku dhawaad kala bar lacagtaas sedex maalmood ayay ku heleen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video