Director Imtiaz Ali Muxuu Ka Yiri In Filimkiisa Jab Harry Met Sejal Lagu Dhaliilay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Imtiaz Ali waa filim sameeye caan ah balse haatan culees xoogan ayaa soo wajahayo madaama filimkiisa cusub Jab Harry Met Sejal dhaliil xoogan kala kulmaayo qaabka uu sheeko ahaan u sameeyay.

Jab Harry Met Sejal waxaa wada jileen SRK iyo Anushka Sharma waa filim jaceyl ah oo dadka reer magaalka loogu tala galay balse haatan xumaan xoogan ayaa laga fadinayaa fariintiisa taasi oo keeneyso in ganacsigii laga filaayay uu Boxoffice-ka ka sameyn waayo.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba Imtiaz wuxuu u jaawb celiyay kuwa wax naqdiyaan asigoo ku yiri “Uma sameynin filimkaan in la igu amaano ama aan ku raali galiyo kuwa wax naqdiyaan, waad ogtihiin inaan ahay filim sameeye jecel inuu la imaado fariin ka duwan kuwa kale waxay ay sameeyaan”

“JHMS uma sameynin inaan amaan ku helo ee waxaan u sameeyay in dad fara badan tiyaatarka ka daawadaan haatana tiro badan ayaa daawadeen waana inta ii muhiimka ah”

“Arimahaan oo kale waan aqaan waayo markii Tamasha tiyaarada la saaray dad badan ayaa amaaneyn hadana dad badan ma aysan daawanin, sidaa darteed aamanta kua filimada wax ka sheegaan waxba iima tareyso waxaa iiga wanagsan filimkeyga oo dad badan tikit u goostaan”

Imtiaz Ali ugu dambeyntii wuxuu yiri “Waxaa iga hartay iintii ahayd Imtiaz filimkiisa ma daawanin waayo hada qof walbo ayaa filimkeyga daawadan waxaana midaas uga mahad celinaa Shah Rukh Khan oo Super Star weyn ah dartiisna filimkeyga loogu daawanayo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video