Jab Harry Met Sejal Oo Kaalinta 4-aad Ka Galay Filimada Sedexda Maalmood Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen Isku Darka Dibad & Dal

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK filimkiisa Jab Harry Met Sejal ayaa kaalinta 4-aad ka galay filimada sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareeyeen sedexda maalmood ee ugu horeyso isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Jab Harry Met Sejal waxaa u suura gashay sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso inuu 100 Crore soo xareeyo isku dar ahaan (Worldwide Gross).

JHMS wuxuu gudaha Hindiya ka keenay 57 Crore (Gross) canshuurta ka hor oo lagu daray 43 Crore uu ka keenay suuqyada caalamka tani waxay daliil u tahay SRK inaan daafaha caalamka loogu tagi karin xitaa hadii uu wato filim sheekadiisa la wada diiday.

JHMS inuu sedex maalmood 100 Crore keenay isku dar ahaan Bollywood-ka ayay wax weyn la tahay laakiin awooda SRK waa ku gaabis marka lala bar bar dhigo filimadiisa ugu dambeeyaan lacagaha ay isku dar ahaan soo xareeyeen isla waqtigaas oo kale Happy New Year (175 crore), Chennai Express (159 crore), Dilwale (145 crore), Raees (128 crore) iyo Fan (113 crore).

Sida guud JHMS kaalinta 19-aad ayuu ka galay filimada guud ee lacagaha ugu badan sedex maalmood soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Fadlan hoos kaga bogo filimada lacagaha ugu badan isku dar ahaan soo xareeyeen sedexda maalmood ee ugu horeyso sanadkaan 2017:

  1. Bahubali: The Conclusion – 210 crore (Qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya)

  1. Raees – 128 crore
WARAR DHEERAAD AH:

  1. Tubelight – 109 crore

  1. Jab Harry Met Sejal – 100 crore Qiyaasta xili hore

  1. Jolly LLB 2 – 83 crore

  1. Badrinath Ki Dulhania – 76 crore

  1. Kaabil – 58 crore

  1. Jagga Jasoos – 51 crore

  1. Half Girlfriend – 48 crore

  1. Sachin – A Billion Dreams – 40 crore

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video