Rasmi: Filimka Jab Harry Met Sejal Iyo Sedexdiisa Maalmood Ee Ugu Horeesay Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK iyo Anushka Sharma filimkooda Jab Harry Met Sejal ayaa keenay 44 Crore (Trade Figure) sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay gudaha Hindiya  sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

Lacagaha uu JHMS keenay waa mid wanaagsan sedexdiisa maalmood madaama uu ka lacag badan yahay filimo badan sanadkaan la daawaday cimri ahaantooda lacagaha ay soo xareeyeen, laakiin ganacsiga filimkaan waa fashil marka loo fiiriyo in SRK uu hogaamiye ka yahay!

Waa wax la filaayay in JHMS la kulmi karo madaama filimkaan falanqeyntiisii inta tiyaatarada la saarin cabsida ugu weyn laga qabay Director Imtiaz Ali oo sheekooyinkiisa la fahmi karin markaana awooda SRK si sax ah wuu kaga faa’iideesan waayay.

Fadlan hoos kaga bogo sedexda maalmood ee ugu horeyso lacagaha uu keenay Jab Harry Met Sejal sida Boxoffice India soo daabacday:

Jimco – 15 Crore (Qiyaas)

WARAR DHEERAAD AH:

Sabti – 14.25 Crore (Qiyaas)

Axad – 14.75 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 44 Crore (Trade Figure)

JHMS wuxuu ganacsigiisa ku wanaagsan kaliya magaalooyinka waa weyn balse 6-magaalo meel ma gaarsiin karaan filimkaan qaaliga ah oo sare u kac sameyn waayay maal maha sabtiga iyo axada oo ah maal maha lagu tashto.

SRK gobolka uu ku awood badnaa West Bengal xitaa filimkaan ganacsi gaaban ayuu ka sameeyay asigoo keenay 2.50 Crore sidoo kalena East Punjab wuu ku liitay inkastoo tiyaatarada Multiplex waa weyn halkaas ku yaalaan.

Mumbai wuxuu ka keenay filimkaan 14 Crore halka Delhi/UP uu ka keenay 8.50 Crore sidoo kalena Mysore ayuu ku wanaagsanaa JHMS wuxuuna ka keenay 3.25 Crore sedexda maalmood ee ugu horeyso.

Filimada dadka reer magaalka loogu tala galay ee 6 ila 10-magaalo laga daawado waxaa ugu lacag badan Barfi oo keenay 105 Crore 5-sano ka hor hada sida uu JHMS ku socdo lacagtaas xitaa ma keeni karo!

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Lool says:

    Filim side hal su,aal ayaan idin weydiinayaa filimka ugu weynaa ee abid hindi sameeyaan waa filimkee iyo lacagaha uu keenay.
    Mahadsanidiin.

  2. abdïrâhím srk says:

    film side waxay Rabaan bay iska qorayaan
    aniga srk waabad Necebtihin ayaan is idhi
    fadlan runta halaga hadlo

  3. cabdirashiid pertaap sing says:

    filimside waa webdhexdhexaad ah mana necba srk waayo isagoo ganaxsi fcn samaynayo ayay leeyhn marka srk loo eego ganacsigiisu wuu hooseeyaa.
    king of bollwood ayayba ugu magac daraan srk.
    ee web ka ha laga xishoodo.

  4. mawlana khan says:

    waar soomali maxamed waa sun xaqiiqatan filmside srk ma necba lkn dhaliisha zakarie cabdi malahee .. srk baa leh ee aduu Intaad halkan ka hadlayso orodoo booqo page-ka fcb uu ku leeyahay srk deedna canaano oo ku dheh iska hubso sheekooyinkaad dooranayso .




Featured Video