Rasmi: Filimka Mubarakan Iyo Mudo 10-Maalmood Lacagaha Uu Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka sharcirada badan arimaha qoyskana ka hadlaayo Mubarakan ayaa sare u kac sameeyay ganacsi ahaan todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso asigoo ka faa’iideestay in filimka Jab Harry Met Sejal daawadayaasha badankooda iska diideen.

Mubarakan oo ay wada jilayaan Anil Kapoor, Arjun Kapoor, Athiya Shetty iyo Ileana D’Cruiz ayaa maal maha sabtiga iyo axada ganacsi wacan sameeyay inkastoo tiyaatarada badankooda uu ka heestay filimka Jab Harry Met Sejal, hadii tiyaataro badan uu heli lahaa ganacsi adag ayuu sameyn lahaa.

Mubarakan mudo 10-maalmood wuxuu Boxoffice-ka kasoo xareeyay 41 Crore (Trade Figure) sidoo maanta oo Isniin ah ganacsi fiican ayuu sameyn doonaa madaama ay tahay maalinta walaaltinimada (Raksha Bandhan).

Fadlan hoos kaga bogo filimka Mubarakan lacagaha uu keenay 10-kiisa maalmood ee ugu horeesay sida Boxoffice India soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 35 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

Jimcada labaad – 1 Crore (Qiyaas)

Sabtiga labaad – 2 Crore (Qiyaas)

Axada labaad – 3 Crore (Qiyaas)

Todobaadka labaad – 6 Crore (mudo sedex maalmood ah)

Wadarta Guud – 41 Crore (Trade Figure)

Mubarakan cimri ahaantiisa 50 Crore ila 53 Crore ayuu gaari doonaa waana mashruuc guul dareesan doono inkastoo filim wacan yahay oo sheekadiisa laga wada helay, sababta uu ku fashilmayna waxay tahay kooxda iska leh oo taariikh qaldan u doorteen madaama xili cariiri ah tiyaatarada la saaray.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video