Filimka Mubarakan Oo Ka Faa’iideestay Shalay Fasixii Hindiya Gelinka Dambe Ka Jiray

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka shactirada badan Mubakaran inuu is dhiibo ayuu diidan yahay wuxuuna sameeyay ganacsi wacan maalintii shalay ahayd wuxuuna ka faa’iideestay fasixii Raksha Bandha ama walaaltinimada Hindiya.

Mubarakan Isniintiisa labaad wuxuu keenay 2.75 Crore (Trade Figure) asigoo aad ugu dhawaaday Axadiisii labaad ganacsiga uu keenay.

Fadlan hoos kaga Mubarakan lacagaha uu keenay mudo 11-maalmood gudaha Hindiya sida Boxoffice India soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 35 Crore

Jimco labaad – 1 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

Sabti labaad – 2 Crore

Axad labaad – 3 Crore

Isniin labaad – 2.75 Crore

Wadarta Guud – 43.75 Crore (Trade Figure)

Mubarakan waa hubaal inuu tiyaatarada baaqi kusii ahaan doono madaama filimka Jab Harry Met Sejal uu fashilmay sidoo kalena filimkaan 50 Crore sare wuu u dhaafi doonaa ganacsigiisa.

Waa nasiib xumo filimka Mubarakan oo sheekadiisa laga wada helay in ganacsigiisa 50 Crore wax yar ku darsan doono waxaana ugu wacan filimkaan oo xili qaldan la saaray tiyaatarada iyo sidoo kale in lacago 70 Crore lagu qarash gareeyay taasi oo ka dhigan filim fiican inuu Bollywood-ka ka fashilmay!

 

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. lover boy says:

    jab harry met
    side ku fashilmy sxb mafhmin




Featured Video