Hrithik Roshan Oo 100 Crore Ku Qaadan Doono Xayeysiin Dhanka Caafimaadka La Xariirto

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Hrithik Roshan labadiisii filim ee ugu dambeeyeen Mohenjo Daro iyo Kaabil ganacsi ahaan wey guul dareesteen laakiin sumcadiisa iyo awooda uu lee yahay ma ahan mid la loodin karo.

Waxaa shaaca laga qaaday Hrithik inuu saxiixday heshiiskii xayeysiin ee ugu qaalisnaa ebid jilaa Hindi ah shirkad la galo madaama uu 100 Crore ku qaadan doono xayeysiin dhanka caafimaadka ah oo u sameyn doono shirkada Cure.Fit.

WARAR DHEERAAD AH:

Hrithik Roshan ayaa shirkada Cure.Fit la galay heshiis 5-sano ah ayadoo siyaabo kala duwan magaciisa iyo caanimadiisa ka faa’iideesan doonto si Hindiya oo dhan iyo daafaha caalamka adeegan looga iibiyo.

Hrithik Roshan wuxuu ka qayb qaadan doonaa adeegyada caafimaad iyo jirdhis ay sameyn doonto Cure.Fit oo ku kalsoon in hal sano gudaheeda heli doonto 250 Crore daqli ah hadii sida saxda ah kaga faa’iideesato wada shaqeynta Hirthik kula heshiiyay.

Dhinaca shaqada Hrithik Roshan haatan wuxuu isku diyaarinayaa sameynta filimka Krrish 4 oo duubistiisa bilaaban doonto dhamaadka sanadkaan wuxuuna Rakesh Roshan sheegay in Krrish 4 gaarsiin doono Bollywood-ka heer aysan tayo ahaan dunida ka gaarin.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Varun says:

    Krish 3 sxb imiso core buu keenay suashaas iiga jawaab aadban oogu xidhanahay bajekane

    • Zakarie Abdi says:

      Wuxuu keenay 175 Crore qaybta Af Hindiga lagu daawaday sidoo kalena 7.5 Crore ayuu keenay qaybta Af Tamil iyo Telugu lagu daawaday.

  2. Daacad says:

    Sxb Super Hero Hrithik Roshan Halkuu Ku Danbeeyay Filimkii La Lahaa Waa Shactaro Wuuna Sameeynayaa Mashruucaas Bal Igaga jawaaba Halkuu Maraayo Iyo Filimka U Diyaarsan Sanadka Danbe Warbixinadiisa jilaagaan Ku Dadaala Maalmahaan Sooma Gudbisaanee Wararkiisa Waa Codsi




Featured Video