Maanta Oo Kale SRK Labo Filim Oo Big Hits Ah Ayuu Sameeyay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood King Khan inkastoo filimkiisa Jab Harry Met Sejal la daala dhacaayo dhanka Boxoffice-ka inuu sal dhigto hadana maanta oo kale labo filim oo Big Hits noqdeen ayuu sameeyay.

Maanta oo kale 8 August sanadii 2013 SRK waxaa tiyaatada loo saaray filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Chennai Express oo noqday filimka labaad ee 200 Crore Boxoffice-ka kasoo xareeyo sidoo kalena iskoorkii 3 Idiots la wareegay.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidoo kale SRK maanta oo kale 8 August sanadii 1997 waxaa usoo baxay filimkii wacnaa Pardes kaasi oo Super Hit weyn noqday sidoo kalena King Khan awoodiisa Boxoffice-ka kusoo xajistay.

Shah Rukh Khan awoodiisa Boxoffice-ka waligeed waxay ahayd mid joogto ah waana Super Star-ka kaliya ee 25-kii sano ugu dambeesay xaalad hoos u dhac ah galin.

Laakiin haatan SRK xaalada wey ku culustay madaama filim Hit dhameestiran noqdo uu sameeyo ugu dambeesay sanadii 2014 markii Happy New Year noqday Super Hit.

Waan ka xunahay boqorka Bollywood-ka in filim sameeyayaasha Hindiya aysan si sax ah kaga faa’iideesanin awoodiisa joogtada ahayd 25-kii sano ee ugu dambeesay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video