Rasmi: Filimka Jab Harry Met Sejal Oo Hoos U Dhac Weyn Sameeyay Isniintiisa Kowaad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood King Khan filimkiisa Jab Harry Met Sejal diidmada xoogan la kulmaayo ayaa hoos u dhac 55% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay midaana waxay soo idleesay rajo walbo oo filimkaan weyn laga qabay.

Sida shabakada Boxoffice India soo daabacday JHMS wuxuu Isnintiisa kowaad keenay 6 Crore ilaa 7 Crore lacago u dhaxeeyo ayadoo ahayd maalin fasax ama maalintii wlaaaltinimada Hindiya waxay ahayd inuu ganacsi adag sameeyo balse ma dhicin.

Filimka JHMS mudo 4-maalmood wuxuu soo xareeyay 50 Crore (Trade Figure) ayuu wax yar sare u dhaafay kadibna ganacsi kale ma sii sameyn karo madaama Jimcadaan tiyaatarada inta badan la wareegi doono filimka Toilet Ek Prem Katha ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay.

Fadlan hoos kaga bogo JHMS mudo 4-maalmood ah lacagaha uu keenay sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Jimco- 15 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

Sabti – 14.25 Crore

Axad – 14.75 Crore

Isniin – 6.25 Crore

Wadarta Guud – 50.25 Crore (Trade Figure)

Qiyaasta xili hore waxaa la dhihi kara JHMS todobaadkiisa kowaad 60 Crore ayuu keeni doonaa waana lacagtii laga filaayay inuu mudo sedex maalmood ku keeni karo!

Boxoffice-ka Hindiya wuxuu ku jiraa xiligii ugu xumaa tan iyo markii Tubelight guul dareestay dhamaan filimadii ka dambeeyeen way guul dareesteen.

JHMS waa filim dadka reer magaalka ah loogu tala galay waxaa la islahaa awooda SRK darteed filimkaan 100 Crore maalmo kooban ayuu ku gaari karaa balse cimri ahaantiisa lacagtaas iyo wax u dhaw ma keeni doono waana mashruuc siweyn loogu fashilmay.

Fikradaha Akhristayaasha (16)

  1. abdalla akshay kumar says:

    WXAAN AKTAR MHA EE HALGA DAJIYO TIYAATRAda

    MR KING KHILADI HA LOOBNEEY HYAAAAAAAAY
    WXAAN FILYAA IN ABAARTA BOLYWDKA KU HABSATAY UU KA QAADO .
    ANIGU WXAAN TAAGERO BUUXA U AHAY AKSHAY KUMAR 18 SANO INTASNA BDNAA WAA LA INKIRYAY LKIN MANTA SRK 60 CORE BUU KEENI LA YAHAY HHHHHHHHHHHH.

    RJIV HARI OM BHATI WXAAN LEEYHAY GUUUL WACAN

  2. maxamed cumar says:

    qaaaaaaaaaaq alla aduunyadu mxy is badashay ma sidana udambYsay

  3. Ayaan muuse says:

    Way u DHamaatay walee Wuu FaShilmay SRK AkShey kumar ayaa jimcada sugaynaa

  4. issa says:

    aktarada waxa fashilka u horseedey waa fudeydka iskama eegaan waxa ay sameynayaan film aan sheekadiisa iska fiirinin ayey iska sameeyaan AMIR khan wax ka barta dheh maskaxda ka shaqeysiiiya qibradna isku yeela…….WE WAIT FOR THE KING AAMIR AND THUGS OF HINDUSTAN

  5. khiladion says:

    filimside waan canbaraYnaYa inad King of Bollywood dhahdn qof 2013 hit dhmYstirn ugu dmbYsY

  6. Varun dhawan says:

    Wan Ka xumahay guukdarada so wa jahday Srk Lkn waxan hubaal ah sanadka inta uu dhaman bollywoodka abaarta wuu Ka bixi doonaa Isha Alah viva varun dhawan and King khan

  7. faiso maxamed says:

    sorry srk xld in eysidan noqoto aad ayan uga xumahy lkn dhibka wax keenayo waa in sanad gudihiisa sadax ama afar film la keeno hadana aan aad loo fiirinin sheekada filmka runti waxan sugnaba waa aabaha bollywoodka MR DANGAL KHAN GUUL mr Aamir khan ilen cidkale oo manta dhihi karto film ayan keena misna wuu guuleysana majirto aan Xaajiga ka aheen guul wacan

  8. akshy says:

    daa flop ha noqdee akshy kumaar ba kuleh jimcadaan

  9. akshy says:

    daa flop ha noqdee akshy kumaar ba kuleh Jimcadaan guuùuuuul akshy

  10. luqman says:

    sxb zakariye filimki kufashilmay ciidii uu waday salman khan tubelight sidan noguma so gudbinayn warbixintisa mudan sugaynay lkn srkh filimisa daqiqad daqiqad ayad uso tabinaysay lkn sanadki sultan marku boxffice gilgilayay wad nagu walaysen sidas waxan Ku ogaday salman filmki kaguuldarysta kama hadashan sida actarda kale waxna tirahdan filmku kuqaldamaye awodisa isma dhimin lkn midki u hagaga isaga awodisa inu kugadad ka dhigtan sxb srkh wayahan wad kutiigsatan dhankale meshas salman khan bunbunisan xita darajo an hindiya laga siin ayad siiseen oo ah megastar labada khanska kalana superstar ayad tirahda magaca megastar labo actar ayan maqlay in lo raciyo magacoda mid wa Ali dheere amitah bacchan & ram chan abihin inta kale superstar aya logu yera

  11. luqman says:

    sxb wa fakarkayga dhib ha i arkin hana I dhibsan waxan arkay dadka warbixinadina dhalila inad kuxanaqdo hadi ad bulshada u shaqayso wad arkaysa mid Ku dhalila & mid Ku amaana marka dulqadka hala ogado si isku midana uga faloda xooga wad janjertane

    • Zakarie Abdi says:

      Walalkeen xiligii Tubelight tiyaatarada saarnaa aniga adeega Intenter maba heesanin oo Koonfurta Soomaaliya dhan mudo 21-maalmood ah ayuu ka maqnaa anigana Muqdisho ayaan joogaa marka sidaas ayaan warbixino badan kaga soo qori weenay ee jilaayaasha wey noo siman yihiin.
      Mida kalena Tubelight xaalkiisa maalin walbo Aadan Muriidi ayaa soo qoraayay hadii aad Web-ka ku xiran tahay sidaas uma hadli laheyn ee waad hubsan laheyn wax walbo marka sidaas u fahan aniga jilaayaasha dhan isku mid ayay ii yihiin.
      Mida kale Mega Star, Super Star, Power Star, Mr. Perfectinonist ama King Khan dhamaan waa Media Name ama magac saxaafadeed ee Hindiya waa la is ogyahay ragga isku darajada ah marka sidaas wax u fahan.

  12. abdirahim says:

    film side please sidaan joojiya actor ada hakala saarina

  13. ajay says:

    sii walba u uguldaraysto SRK hadana waa KING OF BOLLYWOOD qasab na maha in u mar walba gulaysto AKSHAY iyo wax lamid ah na maso garab istagi karaan SRK everybody know that SRK is a GLOBAL STAR dhib malaha kolay gulkale ayu gadhi dona ileen filimkan uguma dambeyo maha? all the best

  14. Yazir says:

    Zory king adaa iskugu wacan guuldarada Ku haysata hada ilaa 2014 waayo adaa sheekooyin liita dooranaya inaad sidan iska badasho ayaan jaynayaa insha allah
    Thanks film side aad iyo aad
    And we love your page thnks a lot

  15. kingg says:

    sxb bollywoodka actrdii hore ayaa dib uso celin dono sharftoda sida sunil doel iyo amir khan fashil wa iska jiraa isdajiyaa filimada dambe tayada wa kusii yaraanesay waana wada arkeenay srk nin sahalkas Ku harayo mahan sxbyaal




Featured Video