Filimka Toilet Ek Prem Katha Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay, Tiyaataradiisa Daqliga Laga Helay Iyo Sida Flop Ama Hit Ku Noqon Karo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Akshay Kumar filimkiisa Toilet Ek Prem Katha waxaa si rasmi ah tiyaatarada loo saari doonaa Jimcadaa nagu soo fool leh (11 August 2017).

Hadaba caawo shabakadaha kala duwan waxay soo dabaaceen si hordhac ah filimkaan weyn ee la wada sugaayo lacagaha lagu qarash gareeyay, tiyaatarada laga daawan doono, daqliga laga helay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin iyo sida Flop ama Hit ku noqon karo.

Toilet Ek Prem Katha Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay: Filimkaan waxaa lagu sameeyay miisaaniyad xadidan oo ah 18 Crore halka 15 Crore xayeysiin loogu sameeyay.

Laakiin Akshay Kumar sameynta filimkaan wax lacag ah kuma qaadanin madaama uu faa’ido wadaag kula heshiiyay kooxda sameeyay.

Balse sida dhabta ah lacagaha filimkaan lagu qarash gareeyay waa 67 Crore oo ah 33 Crore lacagta lagu sameeyay iyo lagu xayeysiiyay oo lagu daray 34 Crore lacagta Akshay Kumar filimkaan ku sameyn lahaa ama sicirkiisa suuqa (Akshay Kumar Market Value).

Toilet Ek Prem Katha Iyo Tiyaatarada Laga Daawan Doono:

Waxaa la rajeynaa in filimkaan maalinta Jimcada la saari doono 3000 ilaa 3200 tiyaatar gudaha Hindiya waana tiyaataro badan oo ku filan inuu ganacsi wacan sameeyo filimkaan.

Toilet Ek Prem Katha Lacagaha Laga Helay Ka Hor Inta Aan Tiyaatarada La Saarin:

Xuquuqda Satellite-ka: 25 Crore

Music, video iyo xuquuqaha kale: 12 Crore

Xuquuqda kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen gudaha Hindiya: 53 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

Xuquuqda suuqda caalamka cajaladihiisa lagu iibsaday: N/A (Not Available) ama xog lagama haayo

Wadarta Guud daqliga laga helay – 90 Crore

TEPK Faa’iidada Ay Ka Heleen Kooxda Iska Leh Ka Hor Inta Aan Tiyaatarada La Saarin:

Daqliga laga helay filimkaan ka hor inta aan tiyaatarada la saarin waa 90 Crore waxa laga jaraa qarashka galay filimkaan oo ah 33 Crore taasi oo ka dhigan in filimkaan faa’iido ahaan laga helay 57 Crore (Net Profit).

Toilet Ek Prem Katha Lacagaha Laga Rabo Inuu Dib Usoo Celiyo Iyo Sida Hit Ku Noqon Karo:

Kooxda filimkaan sameesay faa’iido 57 Crore nadiif ah ayay ka heleen laakiin kooxda cajaladaha filimkaan 53 Crore ku iibsadeen jiif uma yaalo.

TEPK madaama 53 Crore lagu iibsaday cajaladihiisa gudaha Hindiya waxaa qasab ah filimkaan inuu keeno 105 Crore waa lacagta uu ku bad baadi karo (Recovery Cost).

Micnaha 105 Crore hadii uu keeno lacagtaas 48% ama 49%  ayay leeyihiin kooxda cajaladaha qeybiyaan halka 51% ama 52% lacagtaas qaadanayaan kooxaha tiyaatarada iska leh waana nidaam lacagta lagu kala qeebsado.

Hadii 105 Crore ka yar uu keeno mashruucaan waa mid guul dareestay.

TEPK wuxuu Hit ku noqon karaa marka uu keeno 110 Crore ilaa 115 Crore lacago u dhaxeeyo.

TEPK wuxuu Super Hit ku noqon karaa marka uu keeno 140 Crore ilaa 150 Crore inta u dhaxeyso.

TEPK wuxuu Blockbuster ku noqon karaa marka uu keeno 160 Crore ilaa 170 Crore lacago inta u dhaxeyso.

Sadaashada Ugu Dambeyso Filimkaan Ganacsigiisa Halka Uu Noqon Doono, Maalinta Kowaad Qiyaas Ahaan Lacagaha Uu Keeni Karo Iyo Waxyaabaha Guul U Horseedi Karo Ama Ragaadin Karo Waan Idinla Wadaagi Doonaa Insha Allah.

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. akram says:

    Wa shaqo fudud 110crore actor weyn waaa keeni karaaa

  2. m.guursade says:

    filinka TEPK wuu guulaysanaya hadii sheegadisa laga helo,waa na hubaal in uu sheego wacan yahay waayo waxan aragnay TRAILERKISA oo aad dadka u so jiday qiyaas ahan filimka TEPK malintisa koowaad wuxu keenaya 14crore first week wuxu keenaya 85 crore cimri ahaantisa wuxu keenaya 114-116 crore waana HIT dhameestiran….waa saadashayda THNKS FILIMSIDE.NET…

  3. Ayuub says:

    Zakariye Abdi sxb wxn ku waydinya AKSHAY KUMAR mala wadaga LACAGTA faiidada ee lahelay kahor inta an FILMKA lasarin
    oh 90-33=57 da ah

  4. Ayuub says:

    Zakariye Abdi sxb wxn ku waydinya AKSHAY KUMAR mala wadaga LACAGTA faiidada ee lahelay kahor inta an FILMKA lasarin TIYATARADA
    o ih 90-33=57 crore

  5. Ayuub says:

    Zakariye Abdi sxb wxn ku waydinya AKSHAY KUMAR mala wadaga LACAGTA faiidada ee lahelay kahor inta an FILMKA lasarin TIYATARADA
    o ah 90-33=57 crore

    • Zakarie Abdi says:

      Faa’iido kasto oo filimkaan laga helo Akshay waxbaa ka leeyahay laakiin faa’iidada waxaa la qeebsanaa marka filimka tiyaatarka ka dago ayaa boqoleey ahaa loo qeebsanaa.

  6. Joseph says:

    hhhhhhhh
    waar kaasi kudaaye kukale mahaysaa
    flop kumar 100core makeeni karo wll
    yaan lays kalifin 70core haduu keeno
    isagaa ku buro sida
    hhhhhhhhhhhhhhhhh

  7. abdalla akshay kumar says:

    200 core kafiirita.
    all time blck bstr




Featured Video