Kajol Iyo Karan Johar Oo Dib U Heshiiyeen Iyo Kulankii Qiirada Badnaa Oo Ay Wada Qaateen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kajol iyo Karan Johar dib ayay u heshiiyeen waxayna go’aan ku gaareen inay meel iska dhigaan qilaafkii dhawaan soo kala dhex galay.

Karan Johar ayaa bilawgii sanadkaan buuga uu noloshiisa kaga hadlaayay ku qoray inay soo idlaatay 25-sano xiriirkii saaxiibtinimo ee Kajol kala dhaxeeyay sidoo kalena dhaawaca ay u geesatay awgeed isku soo laaban karin.

Kajol dhankeeda waxay sheegtay in Karan Johar ay kalsoonida kala laabatay sidoo kalena aysan marnaba dhankiisa ka fileyn xurguf dhex martay inuu wax weyn ka dhigo oo uu magac ka raadsho sheekadan.

WARAR DHEERAAD AH:

Isku soo wada duub labadaan jilaa oo fanka Hindiya awooda ku leh waxay garwaaqsadeen inay meel iska dhigaan qilaafkii dhex yiilay.

Waxayna todobaadkaan sameeyeen arin wanaag ah madaama Karan uu Kajol taleefoon ka wacay ugu hambalyeeyay dhalashadeeda kadibna ku casuumay inay kulan qado wada qaataan si uu u raali galiyo.

Kajol wey ka aqbashay sidoo kalena labad cunug ee mataanaha Karan ayay soo aragtay waxayna wada qaateen kulan qiiro badan mudo hal saac ka badan kadib hab ayay isi siiyeen.

Sida Mumbai Mirror qortay Karan Johar ayaa iska ilmeeyay sidoo kalena waqti dheer Kajol la qaatay markii dambena saaxiibadiisa u sheegay in dadka isku dhow aysan kala maarmin loona baahan yahay in qilaaf kasto xal loo helo.

Isku soo laabashada Karan iyo Kajol waxaan ka rajeyn doonaa inay filim Classic ah wada sameeyaan madaama ay horey u wada sameeyeen Kuch Kuch Hota Hia, Kabhi Khushi Kabhi Gham iyo My Name Is Khan.

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. sarwad says:

    hhhhhh
    dad xurguf dhex maro sheeko ciyaal
    baan anigu ka aamin sanaa lkin manta
    ayaan ogaadey in xitaa dadka waaweyn sida labad oo kale xurguf dhex maro
    mise karaan ayaan nin ahayn sida naagaha xurguf ka wax weyn ka dhiga
    raga somaliyeed wxs ma aqaanan hadaad shaley kala dudeen maanta shaah wada cabaysaan

  2. Xaniif Abik says:

    Yes, wan ku faraxsanahay madama ay heshiiyeen karan iyo kajol waana filaayey iney heshiin doonaan, maalinta dhalashada kajol ayan ku fikirey inuu u hambalyeenayo karan kadibna heshiineyan waana dhacdey taas,

    Runtii anigana waxan ugu hambalyeeneya dib u heshiintooda, hambalyan leeyahay

  3. C/Maalik Gees Cadde says:

    waw Cajiib
    waa wax weyn

  4. Jimcaale Saleebaan says:

    Hhhhh siddii Dhalaankay Is Qabsanayaan




Featured Video