Maqaal: Rajada Bollywood-ka Oo Dhan Filimka Toilet Ek Prem Katha Ayaa Xambaarsan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Hordhac:

Lix maalmood ka hor (3 August) waxaan idinla wadaagnay maqaal loogu magac daray Maqaal: Hirka Ku Habsaday Bollywood-ka Filimka Jab Harry Met Sejal Maka Dul Qaadi Karaa?

Balse nasiib daro SRK iyo filimkiis Jab Harry Met Sejal mudo 5-maalmood oo uu tiyaatarada saaran yahay wuxuu ku guul dareestay inuu ganacsi adag sameeyo waana filim guul dareestay sidoo kalena ka qaadi waayay Bollywood-ka hirkii ku habsaday sanadkaan qaybihiisa dambe.

Hadaba shabakada Boxoffice India markale waxay soo daabacday maqaal cusub oo ay ugu magac dartay Rajada Bollywood-ka Oo Dhan Filimka Toilet Ek Prem Katha Ayaa Xambaarsan.

Maqaalkan shabakada Filimside ayaan idiin soo turjuntay fadlan hoos kaga boxo nuxurkiisa ugu muhiimsan:

Jab Harry Met Sejal waa yimid waana baxay wuxuuna keenay natiijo aad u xun hadana fanka Hindiya oo dhan rajadiisa waxaa lagu tolay filimka Toilet Ek Prem Katha.

Baahubali 2 kadib Jab Harry Met Sejal kaligiis ma guul dareesanin tan iyo bishii April dhamaan filimadii waa weynaa ee rajada laga qabay inay ganacsi adag sameeyaan dhulka ayay galeen.

Rajada oo dhan haatan waxay isugu biyo shubatay Toilet Ek Prem Katha ee Super Star Akshay Kumar hogaamiye ka yahay kaasi oo Jimcadaan (11 August) tiyaatarada la saari doono.

Sababta Toilet Ek Prem Katha rajada weyn looga qabo waxay tahay in goos gooskiisa siweyn loo soo wada dhaweeyay bulshada qeebaheeda kala duwan waana filimka labaad ee sanadkaan ugu goos gooska wanaagsan marka Baahubali 2 laga soo tago.

Dhab ahaantii goos goos filim oo wanaagsan kuuma damaanad qaadi karo guul laakiin sheekada filimka ayay wax walbo ku xiran tahay, balse goos gooska waxaa laga faaa’iidee in laga fahmi karo filimka bulshada loogu tala galay waxaana Toilet Ek Prem Katha loogu tala galay in qof walbo daawan karo fariin ahaan.

Toilet Ek Prem Katha waa filim fariin xambaarsa sidoo kalena wacyi galin lagu dhex lifaaqay wax walbana hab mada daalo loo dhigay si bulshada oo dhan ula fal gali karaan waxaana lagu kalsoon yahay inuu ganacsi adag sameyn karo.

WARAR DHEERAAD AH:

Toilet Ek Prem Katha waxaa laga rajeynaa inuu Bollywood-ka siiyeen Oxygen-ka ay u baahan yihiin madaama fanka Hindiya haatan lagu dabiibayo qolka gurmadka deg dega ah lagu fidiyo marka qofka galo xaalad geeri iyo nolol u dhaxeyso (ICU)!

Kooxaha cajaladaha qeybiyaan waxay bartanka kaga jiraan qasaaro xoogan tan iyo bishii April madaama ay filimo waa weyn lacago adag ku gateen hadana ay la kulmeen qasaaro dhabarka ka toogtay.

Saamiga filim laga helo waa waxa dhabta ah ee lagu qiimeeyo filim guushiisa iyo guul daradiisa sidaa darteed filimadii Baahubali 2 kadib la daawaday iyo saamiga ay ka heleen kooxda cajaladaha qeybiyaan hoos kaga bogo:

Tubelight – 58 crore

Mom – 14 crore

Guest In London – 3.25 crore

Jagga Jasoos – 25 crore

Munna Micheal – 16.50 crore

Mubarakan – 24 crore ayaa laga heli doonaa

Jab Harry Met Sejal – 35 crore ayaa laga heli doonaa

Hadafka ugu weyn laga leeyahay ee Toliet – Ek Prem Katha laga leeyahay wuxuu yahay filimkaan in kooxda cajaladaha qeybiyaan ka helaan saami ahaan dhamaan filimada sare ku xusan mid ka sareyso.

Tusaale ahaan Tubelight oo 114 Crore keenay saamiga laga helay waa 58 Crore waxaana lagu kalsoon yahay in Toliet – Ek Prem Katha saamiga Tubelight ka badan laga heli doono hadii aysan midaas dhicin niyad jabka wuu sii socon doonaa.

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. cabdirashiid pertaap sing says:

    toilet ma guulaysan doono waa uu guul daraysanayaa fsshil xoogana wuu la kulmi doonaa.
    flop kumar meel sallu iyo srk wax ka soo waayeen muu wax ka soo qaadayaa.

  2. Funny says:

    Sxp filimka AJAY isaga rajo lagama qapo miyaa?. Mahadsanidin.

  3. maxamed cumar says:

    dabcan guul baan urajaynayaa marba haduu yahay fariin dadka kadhaxaysa filim wada waynu ujoognaa wuxuu layimaado viva amr kn

  4. HR says:

    hindida wxa lgu nacay filmadoda hal abuur la.aan mana laha hindidu maskax fikirta sida hollywoodka oo kle waayo hollywoodku waxay keenaan fikrad cusub film walka halk bollywoodku hal fikrad hal si ay filmada u dhigaan mana laha bollywiid directors heersare ah marka laga reebo Hirani , karan johar, yash chopra oo geeryoday xoga wiilkisa aditya chopra isguna inta kle buu dhaamaa shirkadda filmside wxan idin oran lahaa warka aad soo gudbisaan waa bollywood wxana isku tilmaamtaan shabakad hollywood iyo bollywood wararkooda soo gudbisa lkn madki bil lajoogo bad 1 war oo film hollywood ah sheegtaan taasna ma aqaan wxa sababay

  5. moohaayo says:

    aad bn ugu rajo waynahay in uu sharfka bollwydka so celin doono MR AKSHAY KUMAR go forward

  6. abdalla akshay kumar says:

    ghoul akshay

  7. shucayb says:

    akshey kumar waa atoore weyn oo door walba sameyn Kara toilet waa filin fariin xambaarsan marka hadii si qurux badan loo diyaariyey wuu guuleysan waliba guul weyn Super hit

  8. akram says:

    Yaaab dadna 100crore bay keeni la’yihiin nina 2000Croce buu keenay 2000crore
    Amir Khan maxaaa lagu tilmaami karaa marka??




Featured Video