Mubarakan Ganacsigiisa Waa Mid Galaan Gal Wado Kadib Fashilkii Jab Harry Met Sejal

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Anil Kapoor, Arjun Kapoor, Athiya Shetty iyo Ileana D’Cruiz filimkooda Mubarakan ayaa wado inuu sameeyo ganacsi muuqdo inkastoo tiyaatarada ugu badan filimka Jab Harry Met Sejal laga siiyay.

Sida shabakada Boxoffice India soo daabacday filimka Mubarakan wuxuu keenay 1.25 Crore ilaa 1.50 Crore lacago u dhaxeeyo Talaadadiisa labaad wuxuuna filimkaan siweyn laga faa’iideesanayaa in Jab Harry Met Sejal Boxoffice-ka ku fashilmay.

Mubarakan hada wuxuu fursad u heestaa inuu 55 Crore keeno cimri ahaantiisa halka markii hore ku adkeyd inuu 50 Crore gaari doono waana filim fiican sheeko ahaan oo heli waayay firaaqo ku filan ee uu ganacsi wacan ku sameyn karo.

Mubarakan todobaadkiisa labaad wuxuu keeni doonaa 12 Crore mana laga fileyn lacagtaas inuu keeni karo madaama 70% tiyaataradii uu saarnaa filimka Jab Harry Met Sejal laga siiyay.

Fadlan hoos kaga bogo Mubarakan lacagaha uu keenay ilaa haatan mudo 12-maalmood:

Todobaadka kowaad – 35 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

Jimco labaad – 1 Crore

Sabti labaad – 2 Crore

Axad labaad – 3 Crore

Isniin labaad – 2.75 Crore

Talaado labaad – 1.40 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 45.15 Crore (Trade Figure)

Mubarakan waxaa lagu qarash gareeyay 70 Crore sidaa darteed waxay kooxda cajaladaha qeybiyeen saami ahaan ka heli doonaan 25 Crore lacagaha 55 Crore ee uu keeni doono waana filim guul dareestay oo Flop noqon doono madaama uu dib usoo celin doono 36% lacagihii la galiyay wuu dadaalay filimkaan madaama qasaaraha intaas ka badnaan lahaa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video