Ranbir Kapoor Oo Sanjay Dutt KU Tilmaamay Dambiile Iyo Qayaanoole!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Sanjay Dutt waa Super Star weyn oo waayihiisa nolosha iyo mida fanka wax lagu jeclaado iyo wax lagu naco la yimid balse ah shaqsi Hindiya iyo caalamka caan ka ah.

Ranbir Kapoor wuxuu haatan soo gaba gabeyn rabaa duubista filimka Sanjay Dutt noloshiisa looga hadlaayo ee uu Director ka yahay Rajkumar Hirani.

Hadaba Ranbir ayaa wax laga weydiiyay filimkaan aan magaca loo bixinin iyo doorka uu ku matalaayo ama qaabka fariintiisa u dhigan tahay.

WARAR DHEERAAD AH:

RK oo la hadlaayay shabakada Deccan Chronicle wuxuu yiri “Filimka Sanjay noloshiisa looga hadlaayo waxaan kusoo bandhigi doonaa sida uu daacad u yahay, dhim ula kulmaayo noloshiisa iyo qaladaadkii uu galay”

“Laakiin mid ogaada aniga doorka nolosha Ghani ma matalaayo, waxaan matalayaa nolosha qof dambiile ahaaa sidoo kalena qayaanoole ahaan jiray”

“Sanju waa qof la jeclaa lana necbaa dhalin yaronimadiisii, sidoo kalena wuxuu ahaa jilaaga noloshiisa ugu muranka badneyd sidoo kalena geesi ahaa waana filim aan dhan walbo kusoo bandhigi doono noloshii Dutt”

Filimkaan nolosha Sanjay Dutt looga hadlaayo waxaa la daawan doonaa 30 Maarso 2018 sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah ku leh Paresh Rawal, Dia Mirza, Manisha Koirala iyo Vicky Kaushal.

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. hashim says:

    Sxb zaki waxa warbixin ka geentaa goos gooskii baadshaho iyo wixii laka dhahay
    Thnkz bahda filimside

    • Zakarie Abdi says:

      Walaalken markii hore ayaa goos goos kooban oo saameyn waali leh laga soo bandhigay midkaas ayaa la taxliiliyay anagana soo gudbinay oo siweyn looga helay marka goos gooskaan dhameestiran kaliya midkii hore ayaa lagu kaabayay ee sharaxaad badan lagama bixinin.

      • C/Maalik Gees Cadde says:

        walaal Zaki waxa kaa codsanayaa inaa soo deesid taariikhda dadka reer koonfurta india iyo dhibaatooyinka ay soo mareen iyo mida hadda

  2. ajay says:

    zakariye waxaad ino sheegta AJAY DEVGAN iyo AKSHAY KUMAR aya bollywood ka first ah

    • moohaayo says:

      iskumaba dhigman dhinaca awooda uu ku leeyahy boxofficeka aptih akshay waa first entertainmentka bollywoodka guul akhsahy

    • Suleeqa ahmrd says:

      Akshey ayaa first ah akki waa ninka kaliya ee sanadki afar film la yimaada hadaana hit ka dhiga

      • xamza says:

        suleekha akkshay waa aktarka kaliya ee afar film super hit ah so saray 2017. hey baby, bhool bholiya, welcome, namaste london, wali actor kenay ma jiro sido kale 2012 wuu keenay , snap hada ledahay igu qabo

  3. Ismail Aamir says:

    isku waqti Active year Both 1991




Featured Video