Aamir Khan Wiilkiisa Junaid Oo Filim Jilista Kusoo Biiri Doono

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Junaid waxaa aabo u ah Super Star-ka ugu caqliga badan fanka Hindiya qof kale ma ahan waa Aamir Khan wuxuuna heestaa aabo wadada saxda ah ee Bollywood-ka ku hagi karo.

Aamir Khan horey wuxuu u sheegay inuu caruurtiisa ku taageeri doono go’aan walbo oo ku aadan mustaqbalka mihnada ay qabanayaan haatana wuxuu diyaar u yahay wiilkiisa Junaid inuu ka caawiyo sidii uu Bollywood-ka kusoo gali lahaa.

WARAR DHEERAAD AH:

Junaid Khan marka kowaad shaqo wuxuu ka bilaabi doonaa inuu sameeyo ruwaayadaha tiyaatarada laga daawado asigoo sameyn doono ruwaayada Mother Courage and Her Children oo 19-ka bishan la bilaabi doono.

Junaid ma doonayo inuu magaca aabihiis ku meel maro wuxuuna u galay tijaabo bandhig ahaaneed marka loo qaadanayay sameynta ruwaayadaan.

Junaid wuxuu rabaa marka kowaad inuu masraxyada ruwaayadaha kusoo saaro kadib uu sidaas Bollywood-ka kusoo galo xirfad ahaan ee ma doonayo inuu si toos ah kusoo galo fanka Hindiya asigoo magaca aabihiis adeegsanayo.

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. faiso maxamed says:

    www junaid soo dhawow awoodada ku tasho waan ku tageersanhy guul wacan

  2. mr kash says:

    Aabahaa haduu wax ku qaban magaciisa aaa ku meelmareesaa marka kor iyo hoos waa wiilka amir khan ku magac heleesaaa




Featured Video