Hrithik Roshan “Toilet Ek Prem Katha Nasiib Uma Baahno Waa Filim La Hubo”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Labada Super Star Hrithik Roshan iyo Akshay Kumar sanadkii hore xiligaan oo kale ayay Boxoffice-ka ku dagaalameen ayagoo kala wateen filimada Mohenjo Daro iyo Rustom.

Inkastoo Akshay markaas Boxoffice-ka ku guuleestay hadana xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeyo iyo xushmada ay isku hayaan sare ayay usii kacday marnaba hoos uma dhicin.

WARAR DHEERAAD AH:

Hrithik Roshan ayaa ka hadlay Akshay Kumar filimkiisa Toilet Ek Prem Katha oo maalinta berito ah (11 August) tiyaatarada la saari doono wuxuuna HR aaminsan yahay filimkaan inuusan nasiib u baahneyn balse fariintiisa qof walbo kusoo jiidan doono.

Hrithik wuxuu yiri “Waxaan qabaa dareen ah in Toilet Ek Prem Katha nasiib u baahneyn waayo waa filim cajiib badan, hambalyo Akshay Kumar iyo qaalideyda MrFunnybones (Twinkle Khanna)”

Akshay Kumar ayaa saaxiibkiis Hrithik usoo jawaab celiyay wuxuuna yiri “Waa hadalo naxariis badan waad ku mahad santahay guusha wacan ee aad inoo rajeesay, waxba kama qabo dhiiri galintaada”

Hrithik Roshan iyo Akshay Kumar haatan waa daris waxayna wada dagan yihiin xaafada magaalo xeebeedka Juhi ee Mumbai waana labo shaqsi oo marwalbo aad isku tixgaliyaan.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. pasta says:

    wacnan laheyda hadi film loo wada dhiibo akshay kumar iyo hrithik

  2. Ismail Aamir says:

    nzb wcn akshay

  3. tuuraq says:

    toilet faahfahintiisa iyo fariimaha ku saabsan aad inoogu soo badiya sxbayaal maanta aaway zakariye lipaax waa ku sugeynaaa ee filimka aduunka laga wada sugaayo inoo soo gudbiya fariintiisa




Featured Video