Rasmi: Allu Arjun filimkiisa 18-aad Naa Peru Surya Oo Shaaca Laga Qaaday Xiliga La Daawan Doono

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Stylish Star Allu Arjun wuxuu ku jiraa waqtigiisa ugu wanaagsan ee koonfur Hindiya sidaa daraadeed waxaa bilaabatay hadal heynta filimkiisa xiga ee Naa Peru Surya.

Sidaa Daraadeed Kooxda filimka Naa Peru Surya oo ugu horeeyaan director Vakkantham Vamsi iyo Allu Arjun ayaa shaaca ka qaaday in filimkooda la daawan doono sanadka danbe gaar ahaan April 27, 2018.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Naa Peru Surya waa mashruuc weyn oo Allu Arjun ku matali doono Military asigoo kusoo bandhigi doono ficilo halis waxaana Allu Arjun filimka jaceyl kula wadaagi doonta Anu Emmanuel.

Sida la sheegaayo Allu Arjun aabahiis filimkaan waxaa ku matali doona Arjun Sarja waxaana laadir ka noqan Sarathkumar waxaana Music-ka filimka saari doona Vishal-Sekhar.

Filimka Naa Peru Surya wuxuu noqan doona filimka ugu horeeyay ee uu director ka noqdo qoraaga caanka ah ee Vakkantham Vamsi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video