Rasmi: Salman Khan Oo 32.50 Crores U Celiyay Kooxda Cajaladaha Qeybiyaan SRK Sidaas Ma Sameyn Doonaa

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa si rasmi ah loo xaaqiijiyay maalintii shalay ahayd in Salman Khan xafiiskiisa isugu yeeray kooxda cajaladaha filimka Tubelight xuquuqdiisa iibsatay.

Shirkada NHZ Studio ayaa Tubelight xuquuqdiisa qeybinta gudaha Hindiya ku iibsatay 75 Crore halka suuqyada caalamkana ay ku iibsadeen 25 Crore.

Sidaa darteed Salman balankii uu aabihiis ka qaaday Salim Khan bishii July inuu kooxda cajaladaha qeybiyo qasaarada la qeebsado ayaa balankii kasoo baxay.

Salman Khan wuxuu u wacan qof kasto oo cajaladaha Tubelight qeybiyay gobolada kala duwan ee shirkada NHZ Studio u wakiiltay wuxuuna siiyay lacag si qasaarada ay kaga soo kabtaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Salman Khan wuxuu bixiyay 32.50 oo ah kala bar qasaarihii NHZ Studio ku dhacday inuu ka ceymiyay dhibkii ay bartanka kaga jireen.

Shirkada NHZ Studio waxay Tubelight qeybintiisa gudaha iyo daafaha caalamka kala kulantay qasaaro gaarayo 75 Crore sidaa darteed 50% lacagtii ka luntay Salman Khan ayaa u celiyay si uu dhibka ula qeebsado.

Sidoo kale arinka kale ee xiisaha badan ayaa ah Shreyans Hirawat  iyo shirkadiisa NHZ Studio qasaaro 50 Crore kala kulmi doonaan qeybinta cajaladaha filimka Jab Harry Met Sejal ee SRK hogaamiye ka yahay kaasi oo Boxoffice-ka ku fashilmay.

NHZ Studio waxay Jab Harry Met Sejal ku iibsata 125 Crore xuquuqdiisa guud dibad iyo dal sidaa darteed waxay la kulmi doonaan qasaaro 50 Crore ah.

Hadaba SRK sida Salman oo kale ma u garaabi doonaa NHZ oo qasaaro xoogan kala kulantay qeybinta labo filim oo ay hogaamiyaal ka yihiin labo Super Stars oo fanka Hindiya awood ku leh.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video