5-Arimoo Oo Ka Dhigaayo Filimka Toilet Ek Prem Katha Inuu Guul Wacan Gaari Karo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Akshay Kumar filimkiisa Toilet Ek Prem Katha maanta ayaa tiyaatarada la saaray waana filim lagu hami weyn yahay inuu abaarta Bollywood-ka ka saari karo.

Inkastoo Toilet Ek Prem Katha maanta subaxdii hore si dhex dhexaad ah ku furmay hadana 5-arimood ayaa lagu kalsoon yahay in filimkaan ay guul wacan u sababi karaan:

Fariin Bulshada Loogu Tala Galay: wuxuu ka hadlaa mowduuc xasaasi ah oo ku saabsan in qof walbo Hindi ah musqul helo si caafimaad loo helo, waxaana lagu soo aadiyay fariintaan xili dowlada Hindiya wado olo olo nadaafada musqulaha iyo helistooda uu socdo.

Socially Relevant Message

Waa Filim Madadaalo Leh: Inkastoo fariin waaqici ah xambaarsan yahay hadana hab mada daalo ayaa sheekada loo dhigay in halka saac hore shactiro jaceyl leeyahay halka halka saac dambe siweyn loogu lafa guray fariinta uu xambaarsan yahay.

WARAR DHEERAAD AH:

A complete massy entertainer

Bhumi Pednekar: atirishadan filimkeedii kowaad   Dum Laga Ke Haisha waxay sameesay sanadii 2015 ayadoo abaal marino kala duwan ku qaadatay sidoo kalena miisaankeeda 94-kiilo ayuu ka badnaa, balse hada waxay iska dhigtay qof caato ah sidoo kalena shaashada la timid muuqaal soo jiidasho leh oo qof walbo ka heli doono marka uu daawado TEPK.

Bhumi Pednekar

Bandhiga Akshay Iyo Bhumi: Inaba caadi ma ahan is fahanka Akshay iyo Bhumi shaashada ka muujin doonaan gaar ahaan nin iyo naagtiisa ayay ku jilayaan kuwaas oo nolosha marka hore isku fahmayaan kadibna isku qilaafayaan iyo sida ay dib isugu soo laaban doonaan.

On-screen chemistry

Akshay Kumar Hubka Ugu Weyn: Awooda ugu weyn ee filimkaan aan Action iyo muusig wacan laheyn riixi karo waa Super Star Akshay Kumar, dartiis ayaa loo daawan doonaa madaama uu dhawaanahay noqday atoore xariif ku ah doorashada fariimaha wacan, waa hubaal ninkii doortay Holiday, Baby, Airlift, Rustom iyo Jolly LLB 2 naguma niyad jebin doono doorashiisa filimka TEPK!

Akshay Kumar – The man himself

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. m.guursade says:

    bahda filimside aaway sheekida filimka TEPK please noo ao gudbiya..?

    • Zakarie Abdi says:

      Waan soo wadnaa walaalkeen waxaan ku saleenaa sheekada dhamaan shabakadaha kala duwan marka ay soo bandhigaan iyo qaabka loo qiimeeyo marka Average laga sameeyo inaan soo bandhigno si wax la isugu raaci karo aan usoo gudbino madaama aan nahay isha kowaad ee dadka Af Soomaaliga ku hadlaan arimaha fanka kala socdaan.

  2. Qalbi holcay Qalbi holcay says:

    sxbow zaki waxan kuweydi Heyy baby natiijadiisa waa maxay

  3. Daacad says:

    Sxb Zaki Filim Miyaa Sanadkaan Usoo Bixi doono Hrithik Roshan Waayo Filimada Usoo Wado ayaan Ku Dhax Arkay Filim Sanadkaan Usoo Bixi Doono




Featured Video