Alia Bhatt Ma Dooneyso Inay Sidharth Malhotra La Sameyso Filimka Aashique 3!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Taageerayaasha iyo qoysaska labada jilaa ee la isku xanto Sidharth Malhotra iyo Alia Bhatt waxay wada sugayaan inay isla sameeyaan filimka Aashique 3 balse arin aan wanaagsaneyn ayaa soo yeertay.

Alia Bhatt ma dooneyso atooraha lagu xanto Sidharth Malhotra inay la sameyso filimka Aashique 3 sababtana waxay tahay inaysan xiiso u qabin sameynta mashruucaan sida Mumbai Mirror sheegtay.

WARAR DHEERAAD AH:

Alia Bhatt waqti uma heyso Aashique 3 waxayna ka door biday Raazi oo ay hada la duubeyso Vicky Kaushal sidoo kalena waxay ku xigan doontaa sameyna Dragon oo ay Ranbir Kapoor la jileyso iyo filimka Gully Boy oo ay Ranveer Singh shaashada kala soo muuqan doonto.

Alia Bhatt waxay aamin santahay in la shaqeynta Siddharth Malhotra waqti dheer kadib usoo jeesan doonto madaama ay rabto inay atoorayaa kale tijaabiso sida ay isugu soo baxayaan iyo nasiibka ay isku yeelan karaan.

Alia Bhatt aabaheed Mahesh Bhatt oo mashruuca Aashique 3 maal galinaayo iyo Director Mohit Suri waxay ka niyad jabeen go’aanka Alia dib ugu dhigeyso sameynta filimkaan ayadoo hawlo kale isku mashquulineyso.

Hadaba hir galinta Aashique 3 lama ogo sida ku qabsoomi doonto marba hadii Alia Bhatt ka caga jiideyso xiligaan inay Siddharth Malhotra filimkaan la sameyso.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Halyeeyga Nolosha says:

    Sxb Website-ka Wararkiisa Aad Ayuu U Yaryahay Plz Sidaan Inoo Dhaama Zaki Cilada Ku jirto Webka Halaga Saaro Mar Marka qaar Aoo Galistiisa Ma Yeelayo Teeda Kale Zakarie Wararka Hala Soo Badiyo




Featured Video