Filimka Toilet Ek Prem Katha Iyo Qayaas Ahaan Lacagaha Uu keeni Doono Maalintiisa Koowaad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Madadaaliya koowaad ee  Bollywood  Super Star  Akshay Kumar  maanta waxaa tiyaatarada loo saaray filimkiisa lawada sugaayay ee  Toilet Ek Prem Katha.

Filimka Toilet Ek Prem  Katha oo saaki  si  hoose  ku  furmay  wuxuu  kaarar  qaatay  duhurkaan iyo fiidnimada caawo  wuxuuna  filimka Toilet Ek Prem Katha  sameeyay  ganacsi  dhax dhaxaad ah.

WARAR DHEERAAD AH:

Qayaas ahaan filimka Super Star Akshay Kumar  ee Toilet Ek Prem Katha maalintiisa koowaad wuxuu keeni doona lacago u dhaxeeyo 10 ilaa 11 crore.

Toilet Ek Prem Katha  wuxuu ku  wanaagsan yahay  tiyaatarada  Single Screens  ee  dadka  dabaqada  hoose iyo dhexe  usoo  daawasho  tagaan  wuxuuna  ku liitay  maalintiisa  kooowaad  tiyaatarada  Multiplex ee dadka dabaqada sare  usoo  daawasho  tagaan.

Toilet Ek Prem Katha sida uu  maalintiisa  koowaad ku furmay  qayaas ahaan  waa  filimka ugu  liito ee  Akshay Kumar  sidoo  kale  waxaana  macquul ah  bari  markii si rasmi  loo soo bandhigo lacagaha  uu  maalintiisa  koowaad in  uu la simnaan doono lacagaha filimka Jolly LLB 2  maalintiisa  koowaad  uu keenay 12 crore.

Bollywood-ka  xaalkiisa  dhawaanahaan ma wanaagsana  maadaama  jilaayaasha  waa weyn  filimadooda  si dhax dhaxaad ah ku  furmaayo  waxaana  qasab  ku  ah  filimka Toilet  Ek Prem  Katha  inuu  sare u kac  waali ah  sameeyo  maalintiisa  labaad.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. abdïrâhím srk says:

    flop




Featured Video