Morning Update: Filimka Toliet Ek Prem Katha Oo Si Dhex Dhexaad Ah Subaxaan Ku Furmay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Akshay Kumar filimkiisa Toliet Ek Prem Katha ayaa si dhex dhexaad ah ku furmay subaxaan Hindiya sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay.

Toliet Ek Prem Katha ayaa ku furmay 20% ilaa 25% wuxuuna ku wanaagsan yahay tiyaatarada Single Screens ee dadka dabaqada dhexe iyo hoose u daawasho tagaan halka uu ku liito tiyaatarada Multipex ee dadka dabqada sare u daawasho tagaan waxaana ugu wacan in filimkaan fariintiisa tuulooyinka Hindiya ku xeen daaban tahay.

Toliet Ek Prem Katha qaabka uu ku bilaawday waa hab liidato marka loo fiiriyo Akshay Kumar filimadiisa uu dhawaanahan sameeyay sidoo kalena wuxuu noqon doonaa filimka lacagta ugu yar keeno ee Akshay sameeyo lana daawado dhawaanahan.

WARAR DHEERAAD AH:

Toliet Ek Prem Katha wuxuu u qaabk eg yahay qaabka uu ku furmay Jolly LLB 2 inkastoo Jolly ku wanaagsanaa magaalooyinka waa weyn halka midkaana uu ku wanaagsan yahay tuulooyinka fog fog.

Madaama Toliet Ek Prem Katha uusan Action iyo muusic weyn laheyn qaabka uu ku furmay waa bilaabasho u wanaagsan filimkaan oo la rajaeenayo maal maha sabtiga iyo axada inuu ganacsi wacan sameeyo halka Talaadada oo ah maalinta xurnimada Hindiya uu ganacsi waali ah sameyn karo sidoo kalena labo todobaad fasax ah ayuu heestaa.

Bollywood-ka dhawaanahan waxaa wadno qabad ku noqday maalinta kowaad sida ay filimada ku furmaan oo bilaabasho ahaan ayay liitaan taasina waxay sababtaa in filimadooda soo kaban waayaan.

Sidaa darteed Toliet Ek Prem Katha si hoose ayuu ku furmay waxaa qasab ku ah inuu sare u kac waali ah sameeyo maalinta gelinka dambe asigoo isku heelanayo in fariintiisa laga wada heli doono.

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. Asa says:

    Fadlan sheekadiisa nala wadaaga filimkaan waxana maqlay in sheekadiisa lasiiyey 4.5 marka nala wadaaga xogtiisa iyo sheekada filimkaan
    sido kale filimada maanta iyaatarada la saaray e Tamil-da ah iyagana nala wadaaga mahadsanidiin

  2. Asa says:

    Asc Sxb Zakariye adiga waxaad tiri Toilet wuxu ku furmay 20-25% balse dhamaan page-ka ka hadlo arimaha bollywood-ka waxay qorayaan in filimkaan ku furmay 45% qaasatan Bollywoodlife.com waxayna ugu magac dareen cinwaanka ah

    Akshay Kumar and Bhumi Pednekar’s Toiler: Ek Prem Katha opens well, registers an occupancy of 45 percent.

    marka adigo mahadsan sheekadiisa nosoo gudbi madaama siweyn loo amaanay sheekada xataa Aditya Chopra o interview lalayeeshay ayaa amaan kala duldhacay
    mahasanid

    • Zakarie Abdi says:

      Wcs walaal Boxoffice India inaan kasoo xiganay waanba xusnay inuu 20% ilaa 25% ku furmay anagana Boxoffice India ayaan wax kasoo xiganaa marka dhib kale ma jiro

  3. Asa says:

    Juma Kariim dhamaan Asxaabta filimside mahadsanidiin sxb Zaki waan ogahay inaad Boxoffice india kaso xigatid wadna ku mahadsan tahay sido kale waxad noso gudbisaan sheekada filimkaan iyo xiliga duhurkii xaalka mesha u maraayo inuu sare u kac sameeyey iyo inkale.

    • Zakarie Abdi says:

      Adiga mudan waan wadnaa qoraalka heekada TEPK sidoo kalena waan soo gudbin doonaa wax walbo oo uu dhaqaaq ahaan sameeyo dhanka Boxoffice-ka insha Allah.




Featured Video