Ranbir Kapoor Oo Aabihsii Rishi Kapoor Ku Qilaafay Weerarkii Director Anurag Basu Lagu Qaaday

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Jagga Jasoos markii uu Flop noqday waxaa afka furtay ruug cadaa Rishi Kapoor oo Director Anurag Basu guul darada filimkaan ku eedeeyay.

Balse Rishi wiilkiisa Ranbir Kapoor lama qabo dhaliisha aabihiis Anurag Basu usoo jeediyay in masuuliyada guuldarada Jagga Jasoos hal qof dusha looga tuuro.

WARAR DHEERAAD AH:

Ranbir wuxuu yiri “Aabahey waa qof caadifad badan, waxaan u maleynaa wax walbo uu dhahay inuu aniga igu difaacayay, laakiin kuma raacsani inuu weerar toos ah ku qaaday Director Anurag Basu”

“Jagga Jasoos waa mashruuc aan sedex sano iyo bar hawl ka heenay cidna guuldaradiisa laguma eedeyn karo waayo filim waxaa loo sameeyaa inuu guuleesto ama guul dareesto”

“Jagga sameyntiisa cashar ayaan ka bartay, sidoo kalena guul darada kama tixraacayo ee waaya aragnimada aan ka helay la shaqeynta Anurag Basu iyo kooxdiisa ayaa wax weyn ii ah”

Ranbir Kapoor wuxuu haatan ku mashquulsan yahay soo gaba gabeynta duubista filimka Sanjay Dutt noloshiisa looga hadlaayo kaasi oo la daawan doono 30-ka Maarso 2018.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video