Rasmi: Filimka Jab Harry Met Sejal Lacagaha Uu Keenay Todobaadkiisa Kowaad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK iyo Anushka Sharma filimkooda Jab Harry Met Seja ayaa hoos u dhac baaxad weyn sameeyay maal maha shaqada taasi oo ka dhigtay in filimkaan todobaadkiisa ganacsi aad u liito sameeyo.

JHMS todobaadkiisa kowaad wuxuu keenay 58 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India sheegtayna mashruucaan waa Flop ama filim guul dareestay.

Waxaa xusid mudan in JHMS sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay keenay 44 Crore laakiin 4-ta maalmood ee dambe wuxuu keenay 14 Crore taasi oo ka dhigan inuu dhulka ka galay guud ahaana daawadayaasha iska diideen!

WARAR DHEERAAD AH:

JHMS ma jirto gobol gaar ah uu ganacsi fiican ka sameeyay xitaa West Bengal oo uu Shah Rukh Khan waligiis ku awood badnaan jiray filimkaan ganacsi liito ayuu ka sameeyay, wuxuuna si gaar ah filimkaan ugu liitay East Punjab asigoo halkaas kooxda cajaladihiis qaateen qasaaro xoogan kala kulmeen.

Guuldarada JHMS waxaa laga bartay in Big Star xitaa uusan bad baadin karin filim 5-magaalo ilaa 10-magaalo loogu tala galay oo sheekadiisa aad u liidato.

Big Star wuxuu bad baadin karaa filim Hindiya oo dhan loogu tala galay xitaa sheekadiisa liidato sida Dilwale iyo Raees ayagoon soo dhaweyn fiican la kulmay ayay hadana guuleesteen waxaa ugu wacneyd inay ahaayeen aflaan loogu tala galay in laga daawado min tuulo ilaa magaalo markaas awooda atooraha wey shaqeyn kartaa.

Filimada Fan, JHMS iyo Tubelight sedexda maalmood ee hore ayay ganacsi fiican sameeyeen waana awooda atooraha kadibna dhulka ayay galeen madaama ay ahaayeen aflaan daawashadooda xadidan tahay oo dadka reer magaalka loogu tala galay.

Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. faiso maxamed says:

    hhhhhhhhhhhhhhhhh sorry Srk aad ayan uga xumahy waxa halkan ka socdo lkn aniga hal talo ayan ku haaya diractor Aamir khan in hal film uu ku sameeyo sidas aad guul ku gaarto lkn sidan waa ceeb hhhhhhhhhhhhh waxaa tahy aktar aan jclnhy hhhhh guul DANGAL KHAN india xld xun ayey ku jirtaa lkn waxaa ceeb iyo lama arkaan noqotay in india oo dhan hal aktar ey sugaan waan filaye midan horina waan u ogaa aad ayan ugu farax sanhy Aamir khan guul aabaha india oo dhan DANGAL KHAN

  2. Ismail Aamif says:

    Guul Daradu Waa Furaha
    Guusha

  3. inj haadi says:

    hadii loo dhiibi laha amir khan wuu guuleysan laha

  4. macalinka reer qoryooley says:

    Waa xaqiiq taa aamir waa aabaha bollwoodka guul dangal khan

  5. Sagal says:

    Filinkan Hadi cid kasta lo dhiipi mu guulaysten Aamir Khan xata Hadi lo dhiipi laha wayo sheeko fiican maleh marka horen filin magaloyin kooban logu talo galay bu ahaa
    Shahrukhan qaab jilinkisu Wu u hagar baxay ammir iyo shahrukhana was laba actor o door kasta jili Kara sida dangal iyo chakde India ay u matalen guuldaraduna waa furaha guusha srk khaldka kaliya e u leyahy waa inanu dooranin baryahan filimo sheeko fcn lkn inu kaso kabto hoos u dhaca ayan rajaynya

  6. Ahmed nzir jigjigawi says:

    Mahan aktr in lgu sumcd dilo kliya film kiisa flop ah fiiri srk wuxuu yhy horta king khan waye




Featured Video