Fardeen Khan Iyo Natasha Noloshooda Wiil Ayaa Kusoo Biiray

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atooraha Bollywood-ka ka tirsan Fardeen Khan iyo xaaskiisa Natasha Madhvani, maanta noloshooda waxaa kusoo biiray ayadoo ay u tahay maalin farxadeed.

WARAR DHEERAAD AH:

Fardeen Khan ayaa bartiisa Twitter-ka aqbaartaan shaaca kaga qaaday wuxuuna yiri “Farxad inooma harsano inaan shaaca ka qaadno wiilkeena Azarius Fardeen Khan oo dhashay 11 August 2017”

Fardeen Khan iyo Natasha waxaa horey u joogtay gabbar yar oo lagu magacaabo Diani Isabella Khan waxayna soo dhaweeyeen hada in qoyskaan wiil kusoo biiray.

Dhinaca shaqada Fardeen Khan dhawaanahan Bollywood-ka laguma arkin madaama xidigaan ugu dambeesay in lagu daawado shaashada filimkii Dulha Mil Gaya  oo sanadii 2010 la daawaday.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video