Filimada Jab Harry Met Sejal Iyo Mubarakan Ganacsiga Ay Sameeyeen Maalintii Shalay Ahayd

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK filimkiisa Jab Harry Met Sejal ayaa hoos u dhac weyn sameeyay wuxuuna keenay 75 Lakh maalintiisa 8-aad ama Jimcadiisa labaad.

Mudo dheer ayaa ugu dambeesay SRK filimkiisa oo hoos u dhac waali ah sameeyo Jimcadiisa labaad, sida hada muuqato Jab Harry Met Sejal todobaadkiisa labaad xitaa ganacsi ahaan uma dhawaan doono filimka Fan oo sanadkii hore todobaadkiisa labaad keenay 10 Crore.

Sida muuqato Jab Harry Met Sejal wuxuu keeni doonaa 3 Crore sedexda maalmood ee ugu horeyso todobaadkiisa labaad waxaana ugu dambeesay sanadii 2005 filim SRK hogaamiye ka yahay oo lacag sidaas u yar keeno waana Paheli.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Jab Harry Met Sejal lacagaha uu keenay mudo 8-maalmood:

Todobaadka kowaad – 58 Crore

Jimco labaad – 75 Lakh

Wadarta Guud – 58.75  Crore (Trade Figure)

WARAR DHEERAAD AH:

Dhinaca kale filimka shactirada badan Mubarakan ayaa weli si celinaayo wuxuuna sameeyay 50% hoos u dhac ah Jimcadiisa sedexaad.

Mubarakan wuu dadaalay laakiin dadaalkiis meel cidlo ah ayuu noqday madaama tiyaatarada la saaray xili labo filim waa weyn masraxa isku heesteen.

Fadlan hoos kaga bogo Mubarakan lacagaha uu keenay ilaa haatan:

Todobaadka kowaad – 35 Crore

Todobaadka labaad – 12.50 Crore

Jimcada sedexaad – 50 Lakh

Wadarta Guud – 48 Crore (Trade Figure)

Mubarakan cimri ahaantiisa 53 Crore ilaa 55 Crore ma dhaafi doono waana mashruuc guul dareestay inkastoo fariintiisa lasoo dhaweeyay madaama 70 Crore lagu qarash gareeyay xili qaldana tiyaatarada waa la saaray midaas ayaana ugu wacan filim fiican inuu Bollywood-ka ka fashilmay.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. abdirahim says:

    been wuxu jhms soo saaray 59




Featured Video