Maqaal Ay Shabakada Boxoffice India Soo Daabacday: Toilet Ek Prem Katha Oo Bollywood-ka Ugu Dambeyntii Abaarta Ka Saaray

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Toilet Ek Prem Katha ayaa caawo fiidkaan tiyaatarada Hindiya oo dhan gil gilaayo madaama halkii ugu sareesay uu gaaray min tuulo ilaa magaalo.

Sidaa darteed shabakada arimaha Boxoffice-ka looga haray Boxoffice India ayaa ka aamusi weesay maanta wacdaraha uu filimka Toilet Ek Prem Katha dhigaayo waxayna kasoo daabacday maqaalka hoos ku qoran oo ay Filimside idiin turjutay:

Toilet Ek Prem Katha wuxuu jebiyay wajigii xumaa ganacsi ahaan Bollywood-ka bartanka kaga jireen waana filim guuleestay oo Boxoffice-ka wacdaro ka dhigi doono.

Waxaa lagu jiray xili aad u xun oo mugdi ah 10-kii todobaad ee ugu dambeesay sidoo kalena natiijooyinka filimada waa weyn gaareen marka aad hoos ka eegtid waad sii naxeysaa xaalada ay Bollywood-ka ku jiraan:

Tubelight – Below Average

Mom – Flop

Jagga Jassos – Flop

WARAR DHEERAAD AH:

Munna Micheal – Flop

Mubarakan – Flop (ama wuxuu noqon karaa Below Average bandhiga wacan ee uu gadaal ka sameeyay awgeed)

Jab Harry Met Sejal – Flop

Maanta oo sabti ah Toilet Ek Prem Katha wuxuu sameenayaa ganacsi aad u wanaagsan waxaana hubaal ah in ganacsigiisa maanta gaari doono 15.50 Crore xitaa waa macquul inuu 16 Crore gaaro.

Waxa guusha Toilet Ek Prem Katha xaqiijisay ayaa ah in filimkaan maalintiisa labaad sare u kac 35% uu sameeyay wuxuuna sare u kaca waalida ka sameeyay labada suuq ee filim walbo guushiisa xaqiijin karaan Waqooyiga Hindiya iyo Mumbai.

Mararka qaar filim maalintiisa labaad sare u kac wuu sameyn karaa laakiin Toilet Ek Prem Katha sare kaca wuxuu ka sameeyay min tuulo ilaa magaalo waana arin laga weysanaa filimada Bollywood-ka inay dhawaanahan sameeyaan.

Toilet Ek Prem Katha wuxuu ku socdaa hubaal wadadii uu Hit weyn ku noqon lahaa madaama berito Axad tahay waana maalin shaqada laga nasanaayo, laakiin Isniinta hadii ganacsigiisa uusan hoos u dhac sameynin wax walbo ayaa filimkaan laga filan karaa madaama Talaadada fasaxa ugu weyn jiro maalinta xurnimada Hindiya.

Toilet Ek Prem Katha rajo heer sare ah ayuu Bollywood-ka kusoo celiyay hadana filimo waa weyn ayaa jidka kusoo jiraan bisha September sida Baadshaho iyo Judwaa 2 oo guushaan sare usii qaadi karaan.

Waqti xaadirkaan Akshay Kumar ayaa fanka Hindiya bad baadiyay oo ku jiray xaaladii ugu xumaa waxaana la wada dhowri doonaa Akki filimkiisa macaashka ay kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh ka heli doonaan inta uu la ekaan doono.

Fikradaha Akhristayaasha (13)

  1. pasta says:

    pravo guul king of comedy akki
    wan oga in sidani dhacayso oo u bollywoodka abaarta ka saarayo
    blockbuster haba ka yareyn

  2. khilaadi yare says:

    libaaxa layrta jiifa aakkii badbaadi masakiinta reer khans ah

  3. Moha says:

    Sidee ayuu hit dhamameystiran ku noqoqn karaa

  4. Ayuub says:

    filmside.com
    dadka daawaday shekadiisa maxay ka dhaheen

    • Zakarie Abdi says:

      Siweyn ayay dadka oo dhan kaga heleen gaar ahaan kuwa tikit-ka tiyaatarada u goostaan waana sababta keentay in maanta sare u kac weyn sameeyo filimkaan.

  5. xussien ali says:

    Warkaasaa imaraaya abti….kasaar abaarta bollywoodka yaa akshay kumar adiga lee lagu sugaayay

  6. fan of akki says:

    akhzhay Kumar wan filayay Inu zandkan pollwodka gilgili doono

  7. Ayuub says:

    thankz sxb zakarie Abdi

  8. abdalla akshay kumar says:

    mxaa lhaa sadax khan waxba lama joogan

  9. Qalbi holcay Qalbi holcay says:

    asxbta akshay taageeraha uah maxa idin kudhacay isku xishooda 3 khan qasnadaha waxa ugu jira Blockbuster and all time BB
    akshay wuxu heystaa hal kaliya waan mohra wuxuna kuheley Suniel awgii
    Any way Relax akshay fans

  10. Baladi says:

    Libaaaxa libaaxyada guusha waad u dadaashaa abaarta Ka saar baaba bollywoodka all the best actor Akshay kumar

  11. Abd Qadir Abdisalaan says:

    Aaway dadkii ku faani jirey Salman Khan iyo shahruu VivA Akkkii

  12. cumar akram says:

    Mr. khiladi ama Ranjiv hari ombhati ama akshay kumar .. sxb waanku raaxeystaa filimadada waa ninka kaliya 5 waxyaabood jili kara
    1 jaceel
    2 jug ama dagan
    3 Ilaqosol ama comedy
    4 action
    5 kaabo laadir




Featured Video