Rasmi: Super Star Sanjay Dutt Oo Duubis Ku Bilaawi Doono Taxanaha Munna Bhai Qeybta 3aad!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Super Star Sanjay Dutt ayaa ayaa soo gabagabeyay soo bandhigida goos-gooska filimkiisa uu kusoo laabanaayey ee Bhoomi.

xidigaan ayaa saxaafada waresyi dheer la yeelatay asigoo dhamaan kawada jawaabey suaalihi la weydiyay, kuwaaso ahaa suaalo kala duwan.

intii lagu guda jiray wareysigaas aya wax laga weydiyay filimkiisa caanka ah ee Munna Bhai, xidigaan ayaa sheegay inuu bilaawi doono taxanahan qeybtiisa sedexaad.

WARAR DHEERAAD AH:

sidaan wada ognahay filimsameye Rajkumar Hiirani sanadkii 2003 wuxuu la yimid filim India oo dhan uu kaga yaabsaday kaaso ah Munna Bhai, Baba Of Bollywood ayaa filimkaan ku matalayey doorka Murli Bharsad Sharm kaaso ah in tuug ama burcad ah balse doonaya inuu noqdo dhaqtar kadib markii aabihiis aflagaado loo geystay.

filimkaan waxaa sido kale laga sameyay qeyb sedexaad oo ah Lage Raho Munna Bhai hadaba Filimsameye Vidhu Vinod Chopra oo sido kale goobta kusugnaa ayaa shegay in sheekada taxanahan qeybtiisa sedexaad wali lagu guda jiro loo la diyaarinooyo.

Chopra oo hadlaaya wuxuu yiri,” Sanjay Dutt sidaan u celcelinenay oo aan laheen sug sug waan daalnay sababtoo ah marwalba wuxuu na weydiyaa inaa dhameenay sheekada qoristeeda iyo inkale, anagana waxaan kudhahnaa, mudane wali sheekada qoris ayaa kusocoto iska sug, sidaa awged waan bilaawi doona duubista filimkaan marka sheekada diyaar noqoto.”

Sanjay dhankiisa wuu hadlay wuxuuna yiri,” Raju (Rajkumar Hiirani) iyo Abhijat waxay isiiyen filimkii ugu fiicna nolosheyda abid oo aan kahelo kaasona ah Munna Bhai, sidaa awged kadib filimka Bhoomi oo aan kusoo laabanaya marka howshiisa dhan udhacdo filim kale kama howl gali doono ee waxan si toos ah u bilaawi doona oo aan kumashquuli doona Munna Bhai 3.”

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video