Ma Ogtahay Shahid Kapoor Inuu Kasoo Muuqday Filimka Taal Ee Aishwarya Rai Hogaamiyaha Ka Aheyd!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Filimka Taal ee dadka aadka uga heleyn Heesahiisa, Music gada iyo waliba qaab jiliinka xidigaha ayaa maanta ookale sanadkii 1999 la saaray tiyaatarada 13 Aug.

hadaba wuxuu jirsaday filimkaan 18 sano Filimsameye Subhash Ghai oo filimkaan iska leh ayaa ka hadlaya munaasabada filimkooda oo jirsaday 18 sano.

waxaa wada hogaamiyen filimkaan Aishwarya, Anil Kapoor iyo waliba Akshaye Khanna dadkana aad ayee usood dhaweyeen bandhiga jilayaasha iyo music gada wacan ee ilaa iyo maanta lawada jecelyahay haka reebin heesaha gadmay ee filimkaan kujiraan.

balse ma ogtahay aqriste in filimkaan uu kasoo muuqday xidig maanta aduunka caan ka ah xiligaasna aanan laga aqoonin dadka.

WARAR DHEERAAD AH:

xidigaas xidig kale ma aha waa Shahid Kapoor oo muuqaal kulaha filimkaan maadama uu kamid ahaa wiilasha dhalinta ah ee heesaha gadaal kaga ciyaara dance ga.

sidaa si lamuid ah Shahid wuxuu kasoo muuqday Dil To Pagal Hai oo uu kamid ahaa dadka gadaal ka cayaara waayo xiligaas wuxuu kufiicna qoob ka cayaarka, hadaba Shahid ayaa filimka Taal kasoo muuqanaya asigoo waliba marada madaxa usaaraya Aishwarya inta lagu guda jiro duubista heeska Kahin Aag Lage.

Subhash Ghai ayaa kahadlay arinkaa wuxuuna yiri,” Shahid wuxuu kamid ahaa dadka gadaal ka cayaara ee filimka, wuxuuna u muuqdays i quruxbadan oo dadka asigaa ugu muuqaal wanaagsana anawaxaan rabay wiil muuqaalkiisa aad u wanagsan yahay oo qurxoon kaaso garbasaarta ama marada cad madaxa kasaara Aishwarya.”

“sidaa awged waan weydiyay inuu sidaa sameyoo balse magaciisa maba ogeyn inuu ahaa Shahid ama ladhaho xataa ma ogeyn inuu dhalaya Pankaj Kapur, taasi waxaa kaaga daran cid isdhaheysay maleh yarkii yaraa ee heeskaas ka soo muuqday ayaa maanta xidig weyn noqonaayo.”

“wuuna noqday xaqiiqdi waayo sanado kadib filimka Taal wuxuu sameyay filimka Ishq Vishq, xataa anaga ayuu nala shaqeyay oo uu inoo sameyay filimka 36 China Town waana wax aanan marnaba la fileyn.”

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video