Rasmi: Toilet Ek Prem Katha Maalintiisa Labaad Ganacsiga Uu Sameeyay Bollywood-ka Abaarta Wey Ka Baxeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Akshay Kumar xiligii loo baahnaa ayuu la yimid filim Hindiya oo dhan ganacsi adag ka sameenayo waxaana haatan la arkaa Baahubali 2 kadib filim tiyaatarada dadka ku qasbay inay usoo daawasho tagaan.

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay Toilet Ek Prem Katha maalintiisa labaad wuxuu keenay 17 Crore asigoo sameeyay ganacsi heer sare ah wuxuuna siweyn kaga gadmay North iyo Gujarat / Saurashtra.

Inkastoo Isniinta la wada sugaayo ganacsigiisa halka uu hiigsanaayo hadana qaabka uu Sabtigii sare u kac u sameeyay waxay ka dhigan tahay in xiyaa Isniinta filimkaan isbaaro u noqon karin ganacsigiisa meel fog hiigsan doono todobaadyada nagu soo fool leh.

Waa hubaal maanta oo Axad sare u kac waali ah inuu sameyn doono waana waxa kaliya ee loo baahnaa inuu filim sameeyo madaama 10-kii todobaad ee ugu dambeesay Bollywood-ka abaar xoogan ku habsatay.

WARAR DHEERAAD AH:

Fadlan hoos kaga bogo TEPK labadiisa maalmood ee ugu horeesay lacagaha uu keenay sida shabakada Boxoffice India soo daabacday

Jimco – 11.70 Crore (rasmi)

Sabti – 17 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 28.71 Crore (Trade Figure)

Goos gooska filimkaan markii hore qof walbo ayaa soo dhaweeyay haatana daawashadiisa dadka oo dhan ayaa lacag u quurayaan waxaana la dhihi karaa Bollywood-ka filimkii ay ku baxsadeen wuu yimid!

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video