Wacdaraha Toilet Ek Prem Katha: Tiyaatarada Hindiya Waa Lasoo Buux Dhaafiyay Galabtaan Iyo Fiidka Xiliga Hindiya!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood-ka mar labaad ayay dib u qosli karaan madaama maanta oo Axad ah la arkayo ayadoo dad badan safaf dheer ugu jiraan daawashada filimka Toilet Ek Prem Katha!

Inaba caadi ma ahan TEPK sida uu ku socdo madaama galabta iyo fiidka xiliga Hindiya filimkaan lasoo tabinaayo in tiyaatarada lasoo buux dhaafiyay (Housefull Everywhere).

Filimka Toilet Ek Prem Katha maanta oo Axad ah subaxdii hore wuxuu ku furmay 45% ilaa 50% balse xiliga duhurka iyo galabta Hindiya ayuu siweyn u karaar qaatay asigoo gaaray 75% waana halkii ugu sareesay.

Hindiya xiligaan habeen ayay galeen waxaana lasoo tabinayaa xiliga fiidka Hindiya Toilet Ek Prem Katha inuu halkiisa taagan yahay una dhaxeeyo 70% ilaa 75%.

WARAR DHEERAAD AH:

Tani waxay damaanad qaaday Axad weyn inay Bollywood-ka arki doonaan Big Sunday madaama filimkaan sameyn doono ganacsi 20 Crore ka badan maalintiisa sedexaad!

Toilet Ek Prem Katha hubanti wuxuu noqonayaa Hit Hindiya oo dhan ka wada gadmay All India Hit dhawaanahana lama arkin tan iyo Baahubali 2 kadib filim gobol walbo ganacsi adag ka sameeyo.

Maal maha soo socdo kooxda filimkaan cajaladihiisa qeybiyeen iyo kuwa tiyaatarada iska leh waxay lasoo bixi doonaan kalkuleetar ay ku xisaab doonaan macaashka ay kal qeebsan doonaan.

Halka 10-kii todobaad ee ugu dambeesay qasaaro bartanka kaga jireen Bollywood-ka oo dhan, waa xiligii barwaaqada waxaana libinta qaatay Akshay Kumar.

Shabakada Filimside waxay leedahay Akshay Kumar iyo taageerayaashiisa hambalyo madaama xiligii ugu xasaasinaa Bollywood-ka aad la imaadeen Hit weyn oo Hindiya dhan abaarta ka saaray……………….

Fikradaha Akhristayaasha (10)

  1. khiladion says:

    www legend taagero buuxda father of action and father of comedy

  2. nuuruu akki says:

    viva akki ATBB MOVIE

  3. abdalla akshay kumar says:

    hamplyo hamply hmplyo hmplyo.
    kalsooni baankuqbaa akshay kumar .
    wuxuuna keenayaa 20 ilaa 24 .
    akshay gull.

  4. abdalla akshay kumar says:

    zxp sakriye meeqa saac by naga horeeyan adoo mahadsan

  5. xussien ali says:

    Woow that is my reaL actor …warkaasaa igu socda …guulayso

  6. Bile says:

    Kkkkk filim 17 & 20 sheekadisa eyan dhaafan aya la leeyahay barwaaqo sheeko raqiis ah dad ka akshey la mid ah axada 40 cr aya lagu xisabtama. Kkkkkk

  7. abdalla samiir says:

    wwwwww
    akki guushan waaan kugu ogaaaa

  8. c/kaafi ahmed says:

    kkk akshay Kumar guul wacn

  9. tuuraq says:

    akki guul wacan lipaax




Featured Video