20ka filim abid lacagaha ugu badan lagu qarash gareeyay iyo midkasta lacagta sameyntiisa ku baxday iyo darajada uu Box Officeka ka gaaray. qeybtii 3aad.

0
535

Budget waa lacagaha filimka sameyntiisa ku baxdo waxayna isugu jiraan mushaar jilayaasha la siiyo sidoo kalana lacagaha ay qaataan kooxda filimka sameyneyso sida Directedka sawir qaadaha kuwa filimka duuba iwm sidoo kale waxay lacago badan ku baxaan goobta filimka lagu duubayo sida markii Hotel iwm lagu duubayo oo kiro la iska rabo.

Xisaabta ku darso filimka duubistiisa markii la dhameeyo xitaa in qarash hore leh waliba qarashaadka ugu badan ku baxdo kaasoo ah xayaysiin u sameynta filimka sidaas owgeed filimka maalinta duubis lagu bilaabo ilaa maalinta tiyaataraka la saari rabo qarash ayaa ku baxo waxaana qarashkaas bixinaayo rag Producer ah kuwaasoo hadhow faaiidada filimka qaato.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 3aad 20ka filimka ee lacagaha ugu badan lagu qarash gareeyay abid halkaan hoose kaga bogo;

12-Dhoom 3 waxaa hogaamiye ka ah Aamir Khan waxaana la daawaday 2013dii asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 175 crore wuxuuna soo xareeyay 260.63 crore.

Filimka Dhoom 3 ayaa noqday All Time Blockbuster.

11-Prem Ratan Dhan Payo waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan waxaana la daawaday 2015tii asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 180 crore wuxuuna soo xareeyay 194.30 crore.

Filimka Prem Ratan Dhan Payo wuxuu noqday Hit.

10-Race 3 waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday sanadkii hore 2018dii asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 185 crore wuxuuna soo xareeyay 166.15 crore.

Filimka Race 3 wuxuu noqday Semi Hit.

9-Buhabali – The Conclusion waxaa hogaamiye ka ah Prabhas waana filim koonfur laga leeyahay asigoona filimkaan la daawaday 2017dii waxaana lagu qarash gareeyay 195 crore wuxuuna soo xareeyay 510.36 crore.

Filimka Bahubali 2 wuxuu Box Officeka ka noqday All Time Blockbuster waana filimka lacagaha ugu badan abid Hindiya kasoo xareeyay.

La soco qeybta 4aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here