20ka filim abid lacagaha ugu badan lagu qarash gareeyay iyo midkasta lacagta sameyntiisa ku baxday iyo darajada uu Box Officeka ka gaaray. Qeybtii 2aad.

0
535

Budget waa lacagaha filimka sameyntiisa ku baxdo waxayna isugu jiraan mushaar jilayaasha la siiyo sidoo kalana lacagaha ay qaataan kooxda filimka sameyneyso sida Directedka sawir qaadaha kuwa filimka duuba iwm sidoo kale waxay lacago badan ku baxaan goobta filimka lagu duubayo sida markii Hotel iwm lagu duubayo oo kiro la iska rabo.

Xisaabta ku darso filimka duubistiisa markii la dhameeyo xitaa in qarash hore leh waliba qarashaadka ugu badan ku baxdo kaasoo ah xayaysiin u sameynta filimka sidaas owgeed filimka maalinta duubis lagu bilaabo ilaa maalinta tiyaataraka la saari rabo qarash ayaa ku baxo waxaana qarashkaas bixinaayo rag Producer ah kuwaasoo hadhow faaiidada filimka qaato.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 2aad 20ka filimka ee lacagaha ugu badan lagu qarash gareeyay abid halkaan hoose kaga bogo;

16-Bang Bang waxaa hogaamiye ka ah Hrithik Roshan waxaana la dawaadaya 2014tii waxaana lagy qarash gareeyay 160 crore asigoona filimkaan soo xareeyay 141 crore.

Filimka Bang Bang ayaa wuxuu noqday Semi Hit.

15-Housefull 4 waxaa hogaamiye ka ah Akshey Kumar waxaana lagu qarash gareeyay 162 crore asigoona filimkaan la daawaday sanadkaan 2019ka wuxuuna soo xareeyay 205.56 crore.

Housefull 4 ayaa noqday Super Hit.

14-Dilwale waxaa hogaamiye ka ah Shahrukh Khan iyo Verun Dhawan waxaana la daawaday 2015tii asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 165 crore wuxuuna soo xareeyay 139.97 crore.

Filimka Dilwale ayaa noqday Semi Hit.

13-Bahubali – The Beginning waxaa hogaamiye ka ah Prabhas waxaana filimkaan laga leeyahay koonfur balse qeybtiisa Hindiga waxaa la daawaday 2015tii asigoona lagu qarash gareeyay 170 crore wuxuuna soo xareeyay 119.22 crore (kaliya waa qeybta hindiga xisaabta kuma jirto qeybaha kale lacagaha uu filimkaan soo xareeyay).

Bahubali – The beginning wuxuu noqday Blockbuster.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here