20ka filim abid lacagaha ugu badan lagu qarash gareeyay iyo midkasta lacagta sameyntiisa ku baxday iyo darajada uu Box Officeka ka gaaray. Qeybtii 4aad.

0
571

Budget waa lacagaha filimka sameyntiisa ku baxdo waxayna isugu jiraan mushaar jilayaasha la siiyo sidoo kalana lacagaha ay qaataan kooxda filimka sameyneyso sida Directedka sawir qaadaha kuwa filimka duuba iwm sidoo kale waxay lacago badan ku baxaan goobta filimka lagu duubayo sida markii Hotel iwm lagu duubayo oo kiro la iska rabo.

Xisaabta ku darso filimka duubistiisa markii la dhameeyo xitaa in qarash hore leh waliba qarashaadka ugu badan ku baxdo kaasoo ah xayaysiin u sameynta filimka sidaas owgeed filimka maalinta duubis lagu bilaabo ilaa maalinta tiyaataraka la saari rabo qarash ayaa ku baxo waxaana qarashkaas bixinaayo rag Producer ah kuwaasoo hadhow faaiidada filimka qaato.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 4aad 20ka filimka ee lacagaha ugu badan lagu qarash gareeyay abid halkaan hoose kaga bogo;

8-WAR waxaa hogaamiye ka ah Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff waxaana la daawasay sanadkaan 2019ka asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 205 crore wuxuuna soo xareeyay 292.71 crore.

Filimka WAR ayaa wuxuu noqday Blockbuster.

7-Tiger Zinda Hai waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan waxaana la daawaday sanadkii hore 2018dii asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 210 crore wuxuuna soo xareeyay 339 crore.

Filimka Tiger Zinda Hai ayaa wuxuu noqday Blockbuster.

6-Padmaavat waxaa hogaamiye ka ah Ranveer Singh iyo Shahid Kapoor waxaana la daawaday sanadkii hore 2018dii asigoona lagu qarash gareeyay 215 crore wuxuuna soo xareeyay 282.28 crore.

Filimka Padmaavat ayaa noqday Blocbuster.

5-Bharat waxaa la daawaday sanadkaan 2019ka waxaana hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 240 crore wuxuuna soo xareeyay 197.34 crore.

Filimka Bharat wuxuu noqday Average.

La soco qeybta 5aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here