20ka filim abid lacagaha ugu badan lagu qarash gareeyay iyo midkasta lacagta sameyntiisa ku baxday iyo darajada uu Box Officeka ka gaaray. Qeybtii 5aad.

0
723

Budget waa lacagaha filimka sameyntiisa ku baxdo waxayna isugu jiraan mushaar jilayaasha la siiyo sidoo kalana lacagaha ay qaataan kooxda filimka sameyneyso sida Directedka sawir qaadaha kuwa filimka duuba iwm sidoo kale waxay lacago badan ku baxaan goobta filimka lagu duubayo sida markii Hotel iwm lagu duubayo oo kiro la iska rabo.

Xisaabta ku darso filimka duubistiisa markii la dhameeyo xitaa in qarash hore leh waliba qarashaadka ugu badan ku baxdo kaasoo ah xayaysiin u sameynta filimka sidaas owgeed filimka maalinta duubis lagu bilaabo ilaa maalinta tiyaataraka la saari rabo qarash ayaa ku baxo waxaana qarashkaas bixinaayo rag Producer ah kuwaasoo hadhow faaiidada filimka qaato.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 5aad 20ka filimka ee lacagaha ugu badan lagu qarash gareeyay abid halkaan hoose kaga bogo;

4-Zero waxaa hogaamiye ka ah Shahrukh Khan waxaana la daawaday sanadkii hore 2018dii asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 270 crore wuxuuna soo xareeyay 88.74 crore.

Filimka Zero ayaa wuxuu noqday Flop.

3-Thugs of Hindostan waxaa hogaamiye ka ah Aamir Khan asigoona la daawaday sanadkii hore 2018dii waxaana filimkaan lagu qarash gareeyay 310 crore wuxuuna soo xareeyay 138.34 crore.

Filimka Thugs Of Hindostan wuxuu noqsay Flop.

2-Saaho waxaa hogaamiye ka ah Prabhas waxaana la daawaday sanadkaan 2019ka asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 325 crore wuxuuna gudaha Hindiya kaliya kasoo xareeyay 148.84 crore (xisaabta kuma jirto lacagaha uu koonfur kasoo xareeyay maadaama filimkaan halkaas laga leeyahay).

Saaho wuxuu Box Officeka ka noqday Hit

1-Robbot 2.0 waxaa hogaamiye ka ah Rajnikanth iyo Akshey Kumar waxaana lagu qarash gareeyay 575 crore asigoona filimkaan la daawaday 2018dii wuxuuna soo xareeyay qeybtiisa hindiga ah 185.89 crore (ogow waa filim Tamil ah oo koonfur laga leeyahay marka xisaabta kuma jirto lacagaha uu koonfur kasoo xareeyay).

Filimka Robbot 2.0 ayaa Box Officeka ka noqday Super Hit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here