20ka filim abid lacagaha ugu badan lagu qarash gareeyay iyo midkasta lacagta sameyntiisa ku baxday iyo darajada uu Box Officeka ka gaaray.

0
636

Budget waa lacagaha filimka sameyntiisa ku baxdo waxayna isugu jiraan mushaar jilayaasha la siiyo sidoo kalana lacagaha ay qaataan kooxda filimka sameyneyso sida Directedka sawir qaadaha kuwa filimka duuba iwm sidoo kale waxay lacago badan ku baxaan goobta filimka lagu duubayo sida markii Hotel iwm lagu duubayo oo kiro la iska rabo.

Xisaabta ku darso filimka duubistiisa markii la dhameeyo xitaa in qarash hore leh waliba qarashaadka ugu badan ku baxdo kaasoo ah xayaysiin u sameynta filimka sidaas owgeed filimka maalinta duubis lagu bilaabo ilaa maalinta tiyaataraka la saari rabo qarash ayaa ku baxo waxaana qarashkaas bixinaayo rag Producer ah kuwaasoo hadhow faaiidada filimka qaato.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 1aad 20ka filimka ee lacagaha ugu badan lagu qarash gareeyay abid halkaan hoose kaga bogo;

20-Golmaal again waxaa hogaamiye ka ah Ajay Devgan waxaana la daawaday sanadkii 2017dii asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 142 crore wuxuuna soo xareeyay 205.50 crore.

Filimka Golmaal Again waa Blockbuster.

19-Bajirao Mastani waxaa hogaamiye ka ah Ranveer Singh asigoona filimkaan la daawaday 2015tii waxaana lagu qarash gareeyay 145 crore asigoona soo xareeyay 183.75 crore.

Filimkaan ayaa noqday Hit.

18-Sultan; waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday 2016dii asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 145 core wuxuuna soo xareeyay 300.67 crore.

Filimka Sultan wuxuu noqday Blockbuster.

17-Happy New Year waxaa hogaamiye ka ah Shahrukh Khan waxaana la daawaday 2014tii asigoona filimkaan lagu qarash gareeyay 150 crore wuxuuna soo xareeyay 178.41 crore.

Filimka Happy New Year waa Super Hit.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here