Waxaa maalintii arbacada tiyaatarada aduunka la saaray filimka akshanka ee WAR waxaana hogaamiye ka ah Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff iyadoona filimkaas iska leedahay shirkada Yesh Raj Films.
Hadaba filimka WAR ayaa sadaxdiisa maalin ugu horeysay soo xareeyay 95 crore wuxuuna sidaas ku dhaafay filimka Salman Khan ee Bharat ee sanadkaan soo baxay kaasoona sadaxdiisii maalmood ugu horeeyay soo xareeyay 90.47 crore.
Filimka WAR wuxuu kaalinta 11aad kasoo galay filimada lacagaha ugu badan soo xareeyay sadaxdooda maalin ugu horeyso iyadoona filimka Bang Bang ee uu hogaamiye kayahay Hrithik Roshan uu ahaa filimka lacagaha ugu badan usoo xareeyay Hrithik Roshan kaasoona sadaxdiisa maalmood ugu horeyso keenay 62.65 crore.
Dhanka kale Tiger Shroff filimkiisa lacagaha ugu badan usoo xareeyay WAR kahor waxaa ahaa filimka Baaghi asigoona keenay 72.48 crore balse labada jilaaba haatan waxaa u ah filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay sadaxdiisa maalmood ugu horeyso filimka WAR.
Dhanka kale WAR ayaa ah filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkaan sadaxdiisa maalmood ee ugu horeyso balse waxaa la filayaa in filimka Dabangg 3 uu heysto jaanis uu ku dhaafo lacagahaas sidoo kale waxaa dhiman sanadkaan filimka Housefull 4 oo asigana macquul tahay inuu lacagahaas kabadan keeno.
Hadaba halkaan hoose kaga bogo 20ka filim lacagaha ugu badan soo xareeyay sadaxdooda maalin ugu horeyso.
1. Bahubali: The Conclusion – 127.28 crore
2. Sanju – 119.33 crore
3. Tiger Zinda Hai – 114.91 crore
4. Sultan – 105.55 crore
5. Dangal – 104.53 crore
6. Bajrangi Bhaijaan – 101.42 crore
7. Race 3 – 100.64 crore
8. Prem Ratan Dhan Payo – 97.63 crore
9. Thugs Of Hindostan – 97.42 crore
10. Dhoom 3 – 97.25 crore
11. War – 95 crore qiyaas
12. PK – 93.82 crore
13. Happy New Year – 93.16 crore
14. Bharat – 90.47 crore qiyaas
15. Golmaal Again – 87.62 crore
16. Chennai Express – 86.28 crore
17. Saaho (Hindi) – 80.75 crore
18. Kick – 80.13 crore
19. Singham Returns – 76.52 crore
20. Simmba – 75.64 crore